26.June.2012:- Hogaamiyayaasha Muslimiinta ee dalka Kenya ayaa ku kala qaybsamay biilka la dagaalanka argagixisada ee lagu wado in dhawaan la ansixiyo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa iyagu wacad ku maray in ay si wayn uga soo hor jeesan doonaan biilkani marka baarlamaanka la horkeeno,iyagoo shaaciyay in ay ku jiraan meelo aan u cuntamayn.
Xildhibaanadani ayaa waxa ay ku doodeen in biilkani la dagaalanka argagixisada uu yahay mid ay wataan wadamada reer galbeedka .
Hasa yeeshee ururka Muslimiinta Kenya ee loo soo gaabiyo [Amok] ayaa waxa ay sheegeen in ay taageersanyihiin biilkani la dagaalanka argagixisada .
Gudoomiyaha ururkani sheikh Athman Mpondo ayaa waxa uu sheegay in biilkani la dagaalanka argagixisada uu yahay mid looga gol leeyahay in kenya looga difaaco argagixisada.
Biilkani la dagaalanka argagixisada oo ay soo diyaarisay wasaarada amniga Qaranka ayaa hadii al ansixiya waxaa dadka lagu helo in ay ku lug leeyihiin howlaha argagixisada gaar ahaan kuwa dil ku gaystay fal argagixiso waxa ay wajahi karaan xabsi daa’in iyo iyaga oo hantidooda la xanibo.
Dadka lagu helo in ay hoy siinayaan shaqsiyaadka argagixisda looga shakisanyahay ,amaba tababar ay siinayaan ,lacago u uruurinayaan ,iyo kuwa lagu helo in ay urur argagixiso u qorayaan dhalinyaro amaba lacag iyo hub ay siinayaan ayaa waxa lagu xukumi doonaa 20 sano oo xarig ah sida ku cad biilkani la dagaalanka argagixisada hadii la ansixiyo .
Sidoo kale dadka lagu qabto iyaga oo sawiro amaba filimaan ka duubanaya gooba muhiim ah ayaa waxaa lagu xukumi doonaa sida biilka ku cad 20 sano oo xarig ah .
Bangiyada ayaa iyaguna door muhiim ah ka ciyaaraya la dagaalankan argagixisada ee dalka oo iyana Biilku qodobo dhawr ah ka quseeyo .
Bangiyada dalka ayaa iyaguna waxa sadaxdii bilood mar laga doonayaa in bangiga dhexe ee dalka ay u gudbiyaan lacagaha ay kala wareejiyeen iyo waxa ay ahaayeen iyo goobta ay aaday lacagtaasi .
Qodobada kale ee ku jira biilka la dagaalanka argagixisada ayaa waxaa ka mid ah in shirkadaha taleefoonada laga doonayo in wicitaanada ay xanibaan ayada oo la eegayo baaritaanada .
Booliiska ayuu u suura galinayaa biilkani la dagaalanka argagixisada hadii la ansixiyo in ay dhagaysan karaan taleefoonada .
Biilkani la dagaalanka argagixisada ayaana wali la ansixin islamarkana waxa dhawaan lagu wadaa in baarlamaanka la horkeeno si ay uga doodaan una ansixiyan amaba u diidaan .
Kooxaha u dooda xuquuqda aadnaha ayaa dhankooda u arka in qodobo badan oo ka mid ah biilka la dagaalanka argagixisada in uu yahay mid jabinaya xuquuqda dadka kenyanka ah .
Hadii la ansixiyo biilkani la dagaalanka argagixisada ayaa waxa ay Kenya ka mid noqonaysaa wadamada caalamka leh sharci lagula dagaalamo argagixisada oo fasiraadeeda uu wali muran ka taaganyahay .
W/D: Axmed Badar.
Waxaan salaamaya bahda star dhamaantin macquul ma’ahan sidaas waa prison dowlada waa in ay siiyaan qaxootiga warqad go back home