04.Jun.2012:- Qaar ka tirsan Kooxaha ka dhisan Horyaalka Ingiriiska Premier League ayaa waxa ay haatan loolan adag ugu jiraan sidii ay markale Horyaalka Ingiriiska ugu soo celin lahaayeen weeraryahanka Reer France ee Anelka.
Weeraryahankii Hore ee Kooxda Chelsea Nicolas Anelka ayaa dhawaan isaga tagay kooxdaasi isagoo ku biiray kooxda Reer China ee Shanghai Shenhua waxaana haatan baadi goob ugu jiray kooxo ka dhisan Ingiriiska oo ciyaara Heerka Koowaad ee Premier League.
In badan oo ka mid ah Warbaahinta ka faalooda Ciyaaraha ayaa soo abndhigtay dalabaad ka imaanaya Kooxaha laacibkaan doonaya.
Naadiayada Tottenham, West Ham iyo QPR aya asiwayn u doonaya xidigaan in ay mar kale keenaan Horyaalka Ingriiska islamarkaana ay saxiixiisa ku loolamayaan.
Nicolas Anelka ayaa horay dhawr jeer u sheegay in uu ku sax sanaa inuu kasoo tago Horyaalka Premier League uuna siwayn ula dhacsanyahay hanaanka ciyaareed ee Kooxdiisa Cusub.