24.May.2012;- Ciyaaryahanka dhanka daafaca uga Ciyaara Kooxda Manchester city Zabaleta ayaa sheegay inuu sii joogayo kooxdaasi isaga iyo saaxiibadiisa reer Argentina.
Pablo Zabaleta ayaa ku celceliyay isaga oo Qoslaaya in Manchester City ay sii joogayaan xidiga Reer Argentina ee uu ak midyahay isaga, Sergio Aguero iyo Carlos Tevez islamarkaana aysan jirin wax Qorshe ah oo ay Kooxda uga tagayaan xagaagaan.
Aguero, oo ka mid ah laacibiinta Reer Argentina ee ku sugan Man City ayaa dhaliyay Goolkii guusha ee Man City 44sano ak dib ka dhigay Horyaalka Ingiriiska waxaana lacago badan ku doonaya kooxda reer Isbaanish ee Real Madrid.
Tevez, oo isna gadood dhawr bilood ah xili ciyaareedkii dhamaday uga maqnaa Man City ayaa isna lala xiriirinaayay suuqa kala iibsiga waxaana siwayn u doonaya kooxda AC Milan.
Sidoo kale laacibkaan Zabaleta ayaa isna siwayn loola xiriirinaayay inuu Qorshaynayo sidii uu uga tagi lahaa garoonka Manchester City ee Etihad Stadium waxaana doonayay kooxda Barcelona.
Sikasta oo xaaladu ahaadaba , Zabaleta ayaa shaaciyay in dhamaan Isaga iyo Saaxiibadiis ay siwayn ugu raaxaysanayaan Nolosha iyo heerka Ciyaareed ee Kooxda Man City Islamarkaana ay sii joogayaan.
waxa uuna meesha ka saaray inaysan Jirin wax qorshe ah oo ay uga socdaan kooxda Manchester city xagaagaan.
“mid akstaa oo 3deena ka mid ah waxa uu waqti dheer ku soo bixiyay sidii aan isku heli lahayn, ” ayuu Zabaleta u sheegay Wargayska ManC magazine.
“waa u farxad Carlos, Sergio, iyo anigaba in aan Xulka qraanka u wada ciyaarno waxaana u wada ciyaarnay xulka Yaryarka ah xili hore”
“anaga waxa ay noo tahay qibrad wacan halkaan,mar walbaa oo aad ka baxdo dalkaaga waxa aad baranaysaa Nolol Cusub”
“Fyrsadaha aan ku haysano Englandwaxa ay noo saamaxayaan saamayn balaaran oo Nolosheena ah,dhaqanku waa mid cayn kale ah,kubada cagta laga ciyaaro waa mid kale,run ahantii Halkaan ayaan siwayn ugu raaxaysanaynaa ulana dhacsanahay”
“Manchester City haatan waa mid ak mid ah kooxaha ugu fiican Ingiriiska uguna horaysa dhanka awooda kooxaha ka dhisan UK.”
Laacibiintaan ayaa siwayn uga dhex cadcad kooxda Man City waxa ayna gacan wayn ka qaadeen in Man City ay mudo dher ka dib Noqoto kooxda Horyaalka Ingiriiska.