28.May.2012;- Wasaarada Waxbarashada ayaa waxa ay soo jeedisay shuruuc adag oo ku aadan qaabka loola tacaalayo waalidiinta aan iskuulada gayn caruurtooda gaarta da’da iskuulka .
Shuruucda ay soo jeedisay wasaarada aya aah kuwa qaarkood aad u adag islamarkaana ciqaab iyo xabsi ganaax ah la kulmayaan waalidiinta caruurtooda dayaca.
waxaana sidoo kale qodobada ku qeexan sharciga ka mid in Waaliidiinta ku guul daraysata in caruurtooda gaartay iskuulka ay waxbarashada ku daraan laganaaxi doono qarsahaad gaaraya 5000 amaba hal sano oo xarig ah hadii biilkani la ansixiyo .
Qodobkani ayaa waxa uu qayb ka yahay shuruuc badan oo ay soo jeedisay wasaarada waxbarashada taasi oo ay ku doonayso in sare ay ugu qaado tayada waxbarashada .
Wasiirka waxbarashada Mutula Kilonzo ayaa waxa uu sheegay in biilkani la soo saaray ka dib wada tashiyo lala sameeyay dhinacyada ay qusayso .