22.May.2012:- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa waxaa uu muujiyay sida dowlada ay uga go’antahay in ay xal deg deg ah u hesho dhibaatada haysata waaxda caymiska caafimaadka ee NHIF.
Mr Raila Odinga ayaa sheegay in dawladu ay wado dadaalo balaaran oo ay ku xalinayso islamarkaana baaritaabo buuxa ku samaynayso si loo xaqiijiyo waxii dhacay.
Mr Odinga ayaa sidoo kale dadka kenyaanka u balan qaaday in baaritaanka socda ee fadeexada NHIF loo fulin doono si Hufan oo cadaalad ah iyada oo aan lagu xadgudbayn xuquuqda shaqsiyaadka iyo mida waaxdaba.
Raisul Wasaare Odinga ayaa farta ku fiiqay in dadka Kenyaanka ay xaq u leeyihin in ay Helaan adeeg Caafimaad oo ku filan taasna ay tahay waajibaad dawlada looga baahanyahay.
Mr Raila ayaa ugu baaqay waaxda caafimaadka inay sii laba jibaaraan adeegyada ay shacabka u qabtaan waxii qaladaad ah oo jirana la xalinayo.
Hadalka Raisul wasaare Odinga ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Kibaki uu sidoo kale ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabeeyo baaritaanada NHIF.
Waaxda caafimaadka Dalka ee loo yaqaano NHIF ayaa waxaa soo wajahay fadeexad ku adaan qarashaad si qaldan loo maareeyay taas oo sababtay in xitaa hogaanka sare ee wasaarada caafimaadka loogu baaqo in ay meesha baneeyaan.