28.May.2012:- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa booqday Goobta uu maanta qraaxa ka dhacay ee maagalada Nairobi waxa uuna siwayn u cambaareeyay qaraxaasi.
Mr Raila ayaa wax laag xumaado ku tilmaamay in qaybo ka mid ah wdaanka ay ka dhacaan falal amni daro ah waxa uuna xusay in ay waajib tahay in amaanka la adgeeyo.
Raisul wasaare raila Odinga ayaa shaaciyay in shacabka Kenyaanka ay xaq u leeyihiin inay helaan amaan buuxa iyo wadan nabad ah dawladana looga fadhiyo arintaasi.
Mudane Odinga ayaa sheegay in dalka uu marayo xaalad dagaal loona bahanayahay in la hirgaliyo si dagdag ah kaamirooyinka CCTV si amaanka loo adgeeyo.
Mr Odinga ayaa ciidamada amaanka ugu baaqay inay u sitaagaan sugida amaanka wax walaba oo wax u dhibaaya amaankana laga hortago.
Raila ayaa qaraxaasi ku eedeyay inay ka dambeeyaan argagixiso loona bahanyahay in lasameeyo baaritaan dheer.
waxa uuna intaasi ku daray inay cambaaraynayaan dhaman falalka argagixisada oo uu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan.
sidoo kale waxaa isna goobta gaaray Raisul wasare ku xigeenka Musalia Mudavadi oo isna si kulul u cambaareeyay qaraxaasi oo uu ku baaqay in la sameeyo baaritaano buuxa.