Saturday, May 18th, 2013

Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Kenya iyo Kenya oo Safaaradeeda ka furaneysa Muqdisho (warbixin iyo Sawiro)

Published on May 28, 2012 by   ·   No Comments
28 May 2012:    Raisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdi Weli Mohamed Ali ayaa maanta la kulmay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo howlgaladda ka socda dalka gudihiisa oo ay ciidamada Kenya qeyb ka yihiin, heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Istanbul lagu wado inuu ka dhaco 31ka May 2012. Safiirka Soomaaliya Mohamed Ali Ameriko iyo Ilyas Barre Shiil ayaa ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa kulankan.

Raisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa marka hore soo dhoweeyey Raisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali kuna ammaanay dadaalada socda iyo horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay sameysey 11kii bilood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dhigiisa soo dhoweynta quruxda badan, isla markaana warbixin dheer ka siiyey xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dalka iyo sida ay Soomaalidu uga go’antahay soo afjaridda xilliga KMG ah oo uu sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis Ababa heshiis taariikhi ah ku soo gaareen oo ay la socoto jadwal mucayan ah oo taariikheysan.

Labada Ra’iisul Wasaare waxey si qoto dheer uga wada hadleen sidii mudada yar ee ka dhimay 20ka August si fiican looga faa’iideysan lahaa, waxey kaloo ka wada hadleen shirka Istanbul 2 oo ay labada Ra’iisul Wasaare isla meel dhigeen qorshaha shirka Istanbul iyo sidii ay labada RW uga wada shaqeyn lahaayeen soo afjaridda Xilliga KMG ah.

Raila Odinga  ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay Safaarad ka furaneyso Muqdisho si ay wallaalahood Soomaaliya u tusaan kalsooni buuxda iyo sidii wada shaqeynta labada dal ay u noqon lahaayeen kuwo dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Nairobi ayaa kulamo kala duwan la yeelanayey diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Safiirada Mareykanka, China iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM Ambassador Mahiga.

Dr Cabdi wali ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah uu u ambabaxayo Turkiga oo uu kulan gaar ah la leeyahay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Erdogan maalinta 30ka May, kulankan oo ka dhacaya magaalada Ankara, ka dibna uu RW ka qeybgali doono kulanka Istanbul.

 

Create PDF    Send article as PDF   

Readers Comments (0)




Local News

kenya adn tanzania flag

Kenya iyo Tanzania oo si wadajir ah howlgal ammaan uga fuliyay xuduuda ka dhaxaysa

May 18, 2013
  Kenya iyo Tansaaniya ayaa   si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlgal ammaan kadib markii laba todobaad ka hor ...
supreme_court

Garsoore sare oo ka tirsan maxkamada sare oo shaqadiisii hakad la galiyay.

May 18, 2013
  Gudiga adeega Garsoorka ee loo soo gaabiyo JSC ayaa hakad galiyay howlihiisa garsoore sare oo ka tirsan maxkamada ...
narok

Shil gaari oo qasaare geestay oo ka dhacay Narok

May 18, 2013
  Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay ...
uhru

Madaxweyne Uhuru kenyatta oo la kulmay dhamaan gudoomiyayaasha Deegaanada Dalka

May 18, 2013
  Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa la kulmay dhamaan gudmooyiyaasha Countiyada 47 Counti wadanka. Kulanka oo ka dhacay State houseka ayaa ...
wajir women

Haweenka tuulooyinka Wajeer oo dhibaatooyin ka cabanaya

May 18, 2013
  Haweenka ku dhaqan tooliyinka countiga wajeer ayaa waxa haysta dhibaatooyin kala dowan oo ay cabasho ka muujiyeen. Wariyaha Starfm ...
DJ 3

kenya oo doonaysa in la kordhiyo tirada AMISOM

May 17, 2013
  Dowlada dalkani kenya ayaa doonaysa in la kordhiyo tirada ciidamada nababad ilaalinta Midowga afrika Amisom ee ka howlgala ...
Attorney-General-Githu-Muiga

Xeer ilaaliyaha guud oo sheegay in baaritaankii lagu sameeyay rabshadihii tana Riiva dhawaan la soo bandhigi doono.

May 17, 2013
  Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in warbixinti baaritaankii lagu samayay isku  dhacyadii Tana Riiva oo ay ...
iebc

Gudiga doorahada iyo Xuduudaha oo dalbaday dhaqaale ay ku qabtaan doorshada ku celiska ah ee MKweni.

May 17, 2013
  Gudiga doorshada iyo xuduudaha ayaa waxaa ay sheegeen in 300 ilaa 400 oo milyan ay u baahanyihiin si ...
kidero

Gavanaaga countiga Nairobi oo waqti kama danbays ah u qabtay dhamaystirka dhismaha wadooyiinka Islii .

May 17, 2013
  Gavanaaga countiga nairobi Evans Kidero ayaa amar ku bixiyay in qandaraaslayaasha wada howsha dhisida wadooyiinka Islii ay dhameeyaan  ...
hyna

Qaar ka mid ah duur joogta oo la sheegay in ay sii dabar go’ayaan .

May 17, 2013
  Waxaa soo baxay warar sheegaya in cidooda ama duur joogta qaar ka mid ah ay sii dabar go'aan waxa ...

Sports

Falcao

Falcao ” Warka Mustaqbalkeyga Laga Sheegey Waa Been Abuur ”.

May 18, 2013
  Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcaoayaa beeniyay in uu wax ka og yahay in ay jiraan wadahaadlo uu ...
Seedorf

Seedorf Oo Loo Badinayo Inow Tababara Ka Noqdo Kooxda AC Milan

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa dhawaan sheegay in tababare Massimiliano Allegri uu ka tagayo kooxda isla markaana ...
ac-milan-serie-a

Tababarahii Hore Ee Kooxda AC Milan Massimiliano Allegri oo U Wareegay Kooxda Roma

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa tibaaxay in tababaraha kooxda Massimiliano Allegri uu u wareegayo kooxda Roma marka ...
david-moyes

David Moyes Kulanka So Socoto Maxoy Samedonaa ?? Maxadna Ku Qiyaasi Karta ?

May 18, 2013
  Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, David Moyes ayaa diyaar u ah in uu bilaabo shaqada kooxda United ...
insta

Xidiga Barcelona Andres Iniesta Oo Aan Ku Faraxsaneyn La Joogitanka Kooxdaasi

May 18, 2013
  Ninka labaad ee ugu wanaagsan kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn xiligan Barcelona . Andres ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna