21.May.2012:- Kooxda Napoli ayaa xalay si layaab leh ugu guulaysatay mudo dheer ka dib Tartanka Coppa Italia oo ay ka qaaday naadiga Juventus.
Napoli ayaa noqotay kooxda gali ah ee xili ciyaareedkaan ka badisay Naadiga Juventus oo horay iyada oo aan laga badin hanatay Horyaalka Serie A-da .
Juventus ayaa iyada oo ku xisaabtamaysay awoodii ay Xili ciyaareedkaan Ku hanatay Horyaalka Talyaaniga waxa ay kulan adag la ciyaartay Napoli laakiin loogu awood sheegtay.
Ciyaarta oo qaybihii Hore la isku adgaynaayay ayaa Kooxda Napoli waxa ay daqiiqadii 65 ad heshay fursad Rigoore ah Gavani waxaana iyadoo dhawr daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta Goolka labaad u raaciyay kooxda Juventus oo quusiyay Hamsik.
Kulankaasi ayaa ku soo idlaaday 2-0 oo ay ku badisay kooxda Napoli oo markeedii ugu horeysay Bilad aragta mudo 22sano kadib.
Napoli ayaa 1987 waxa uu ahaa xiligii ugu dambeeyay e ay bilad ku guulaysato waxayna iminka 22sano akdib luxday Coppa Italia.waxa uuna noqonayaa Koobkii 4aad oo ah Midka Coppa Italia oo Napoli ay hanato.
labada kooxood ayaa waxa ay u ahyd fursad iyadoo qaar ka tirsan laacibiintooda ay kulankasi u ahayd kuwoodii ugu dambeeyay.