26.May.2012:- Musharaxa Madaxwayne nimada ee Xisbiga UDF Musalia Mudavadi ayaa waxa uu muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay in xisbigiisa uu guul wayn ka soo hoyn karo wareega Koowaad ee Doorashada Guud ee soo aadan.
Mr Mudavadi ayaa Wacad Ku maray in xisbigiisa UDF uu dalka ka samayn doono Olole aan Horay loo arag islamarkaana ay siwayn isugu diyaarinayaan tantan aad u adag.
Musalia Mudavadi ayaa carabka ku adgeeyay in ololahooda uu yahay mid ay Kenyaanka uga iibinayaan siyaasadahooda iyo mabaadiida Xisbigooda UDF.
Mr Mudavadi oo sidoo kale ah Raisul wasaare ku xigeenka Wadanka ayaa ugu baaqay musharixiinta kale ee madaxwaynenimada in ay xushmeeyaan kala duwanaashiyaha fikradaha siyaasiyiinta dalka .