31.May.2012:- Mid ka mid ahaa 4 qof ee ku harsanaa isbataalka Kenyatta National Hospital kana mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii wadada Moi Avenue ka dhacay maalintii isniintii ayaa saakay geeriyooday .
Afhayeen u hadlay isbataalka Kenyatta ayaa waxa uu sheegay in qofkani dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxaasi uu geeriyooday saakay 6:45 daqiiqo oo subaxnimo islamarkaana uu qabay dhaawac culus.
Bukaankani geeriyooday ayaa sida ay dhaqaatiirta sheegeen in jirkiisa intiisa badan uu gubtay islamarkaana gubashadiisu ay gaartay 90% jirkiisa .
Waxa iminka isbitaalka ku jira sedex qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii isniintii ka dhacay bartamaha caasimada .
Qaraxaasi isniintii ka dhacay wadada Moi Avenue ayaa waxaa ku dhaawacmay 33 qof oo intooda badan isbitaalka laga soo saaray .