24.May.2012;- Haweenayda ah Musharaxa Madaxwaynanimada ee Xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa ka codsatay kooxda Mombasa Republican Council in ay ka tanaasulaan dalabkooda ah in gobolka Xeebta laga gooyo dalka intiisa kale .
Ms Karua ayaa waxa ay sheegtay in kooxda MRC ay hada haystaan waxyaabo ay tabanayaan oo suura gal ah in la xaliyo sida shaqa la’aanta ,khayraadka iyo arimaha lahaanshiyaha dhulka .
Martha Karua oo ah Hogaamiyaha Xsbiga Narck Kenya ayaa waxa ay ku nuuxnuuxsatay in ka go’ida Kenya aysan xal ahayn isamarkaana wada jir wax lagu qaybsan karo.
Ms Karua ayaa hoosta ka xariiqday in xalka uu ku jiro in MRC ay ka qayb galaan doorashada guud ee soo socota islamarkana ay xaqiijiyaan in hogaanka ay gacanta u galiyaan dad lagu kalsoonaan karo .
Haweenaydaan ayaa noqonaysa Musharaxii Madaxwaynanimada ee sedexaad oo ka hadlaya xal u helida Kooxda ay dawladu Mamnuucday ee MRC .
Kooxdani MRC ayaa waxa ay aaminsanyihiin in gobolka xeebta uusan ka mid ahayn dalka Kenya .