24.May.2012:- Iyadoo ay Ciidamada Is garabsanaya ee Dawlada iyo AMISOM ay kusii siqayaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa soo baxdaya qaylo dhaan balaaran oo ay muujinayaan Kooxda Alshabaab ee Gobolkaasi ka arimiya.
Maamulka Shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa shacabka deegaankaasi ugu baaqay inay ka qayb galaan dagaalada islamarkaana ay garab istaagaan.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ee Kooxda Alshabaab Maxamed Abuu Cabdalla oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u jeediyay shacabka uguna baaqay inay dagaalada lagalaan.
Abuu Cabdalla ayaa haweenka iyo Ragga si aan kala sooc lahayn ugu baaqay in ay dagaalamaan islamarkaana ay iska caabiyaan sida uu sheegay dagaalada ay kusoo qaadeen ciidamada isgarabsanaya.
Masuulkaan Alshabaab ka tirsan ee Gobolka Shabelada Hoose ka arimiya ayaa sidoo kale ganacsada Deegaankaas ugu baaqay in ay taageeraan ciidamadooda.
Kooxda Alshabaab ayaa badanaa marka ay u caal waayaan awooda Ciidamada huwanta ah ee Dawlada iyo AMISOM u qayla dhamaiya Shacabka oo aysan marka Horeba talada wax ka siin.