23.May.2012:- Weeraryahanka Waqtigiisu sii dhamaanayo ee Kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa sicad u xaqiijiyay inuu isaga hayaamayo Kooxdiisa.
Drogba ayaa sheegay in uu siwayn ugu faraxsanyahay waayihii uu lasooq aaday Chelsea islamarkaana uu hataan qorshaynayo inuu isaga tago kooxdaasi Marka lagaaro Bisha June xiligaasi oo uu idlaanayo qandaraaskiisa.
34-Jirkaan Reer Ivory Coast ayaa kooxda Blues uga soo biiray dhanka naadiga Marseille 8sano ka hor aduun lacageed oo gaaraya 24 million pounds,waxa uuna iminka si cad u shaaciyay in hada la joogo xiligii uu isaga hayaami laaha Chelsea una baadi goobi lahaa isbedel sax ah.
“waxaan rabaa inaan soo afjaro dhamaan hadal haynta Jirta,waxaan doonayaa inaan hada xaqiijiyay in aan ka socdo kooxda Chelsea,” Drogba ayaa sidaasi u sheegay Bogga Kooxda Chelsea ee Internet-ka.
waxa uuna Intaasi Raaciyay: “waxa uu ahaa Go’aan aad u dhib badnaa in aan qaato,waxaana aad ula dhacsanahay uguna faraxsanahay waxii aan soo smaaynay,laakiin waqtigu waa mid ku haboon in aan hada sameeyo Isbedel”
Didier Drogba ayaa Waayihiisii Chelsea ku soo Afjaraya Rigooro xasuus badan oo uu Kooxdiisa la sameeyay kadib markii Chelsea ay xili ciayareedkaan gacanta ku dhigtay tartanka Championka iyo kii FA cup-ka.
“Koox ahaan waxaan samaynay abaabul iyo dadaal dheer,waxaana hananay Cup- kastaa, sabtigii waxa ay ahayd guul iyo farxad lama filaan ah cid walbaa oo chelsea ah waxaana ku faraxsanahay in kooxda aan usoo hooyo Bilado badan”
Drogba ayaa sidoo kale u mahad celiyya dhaman Bahda Kooxda iyo Milkiilahaba.
“waxaan doonayaa in aan Fursadaan uga faa idaysto in aan u mahad celiyo Qof wlaaba oo Kooxda ah gaar ahaan Milkiile Roman iyo saaxiibadayda Kooxda,kuwasi ooq aarkood aan noqonay saaxiibo si aad ah isugu dhaw,”
“sidoo kale waxaan rabaa inaan dhaho waad mahadsantihiin Taageerayaasha Chelsea kuwaasi oo i tusay jaceelka ay ii qabaan iyo taageearadii sanadaha ahayd”
“waxaan u rajaynayaa Kooxda sida ugu wanaagsan,iyo inay sii wadaan guulaha ay gaarayaan mustaqbalka,mar walbaa waxa aad ahaanaysaan Qalbigayga”
Drogba oo hataan ah 34-jir ayaa waxaa siwayn u doonaya kooxo badan,waxa uuna iminka Macsalaamaynayaa Garoonka Stamford Bridge oo uu joogay muddo 8sano,waxa uuna Kooxdiisa Chelsea u dhaliyay 157 Gool 341 Kulan oo uu u saftay,isagoo ka caawiyya 10 Cup oo ay gacanta ku dhigtay.