30.May.2012;- Dawlada Dalka Kenya ayaa wada dadaal balaaran oo ay ugu jirto sidii ay baxnaano caafimaad oo wcaan ay u heli lahaayeen ddakii ku dhaawcmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi.
Madaxda ugu sareeyya hay’adaha dawlada iyo qaar kale oo ka tirsan siyaasiyiinta wadanka aaya siyaabo is daba jog ah u booqanaya Isbitaalka ay ku jiraan dhaawacyada.
Sidoo kale Saraakiisha Caafimaadka ee dawlada ayaa iyana dadaal ugu jira sidii ay gargaar caafimaad uu fiican u heli lahaayeen dhaawacyadaasi oo intooda badan lala dacaalay dhawaacyadooda.
Raisul Wasaare Raila Odinga oo booqday dhaawacyada ayaa balan qaaday in dowladda ay gacan ka geysan doonto caawinta dad kii ku waxyeeloobay qaraxii Maalintii Isniintii ka dhacay Dhisme wayn oo ku yaala bartamaha Magaalada Nairobi.
Mr Odinga ayaa sheegay in dowladda ay bixineyso dhamaan qarashaadka ku baxaya dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas oo 5 kamid ah ilaa iyo hadda ay ku jiraan Cisbitaalka Kenyatta.
Qaraxan ayaa ahaa mid lala beegsaday goobo ganacsi oo ku yaalo Wadada Moi Avenue ee Magaalada Nairobi waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 28 ruux.