14.May.2012:- Bulshada ku dhaqan xaafada Buula Barwaaqo ee dagmada Wajeer ayaa saakay ku waabariistay arin layaab leh ka dib markii Maydka Cunug yar oo Saqiir ah laga soo saaray Aqal soomaali ku yaala xaafadaasi.
Cunagani Maydka ah ayaa sida ay sheegeen dadka xaafadaas waxaa dishay hooyadii dhashay oo gacan ka helaysay qaar ka mid ah qoyskeeda.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan xaafada Buula Barwaaqo ee dagmada Wajeer ayaa isugu soo baxay goobtii cunugaasi saqiirka ah laga helay waxa ayna sheegeen in cunugaasi la ceejiyay oo ay qoorta uga xirnayd maro lagu sirqiyay.
waxayna siwayn u dhaleeceenyeen dhacdadaasi oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan shareecadeena islaamka ee naxariista badan iyo dhaqanka suuban ee bani aadanimada leh.
Qisadaasi xanuunka badan ayaa waxaa idaacadda Star Fm uga waramay Marwa Oray Adan Husein oo ka mid ahayd dadkii ugu horeyay ee goobta tagay oo siwayn u dhaliishay cidii gaysatay falkaasi.
Ciidamada Police-ka degmada Wajeer ayaa gacanta ku soo dhigay Gabadhii dhashay Cunuga la dilay oo 16 jir ah ,wiil walaalkeed ah iyo hooyadii dhashay gabadha oo ay iminka baaritaan ku hayaan Booliiska.
Warbixin ay soo saareen dhaqaatiirtii baaritaanka ku sameeyay maydka cunugani yar ayaa waxa ay sheegeen in cunaga la ceejiyay islamarkana uu madaxa nabar kaga yaalo .
Asc wanisalamay macbisha starfm takale waxa aan halkan ka aqriye waa dacdo lalayabo marka waxa niweydinaya nagta dishay wiil ma ayada dhashay mise wiilka waa eabe la aan
Abdiyare.asc walalayal wa wax laga naxo arinkas lkn wilku ma abo lkn bu ahaa
Waa denbi kabaa ir ah in naf la gooyo qofta dishay wiilkeda dambi weyn ayey gashay
Asc wanisalamay macbisha starfm takale waxa aan halkan ka aqriye waa dacdo lalayabo marka waxa niweydinaya nagta dishay wiil ma ayada dhashay mise wiilka waa eabe la aan
a.s.c waxan salamaya daman/shaqalayasha;sterm! hoyathi.dashay cunugsi qalad wen ayey gashay ;
Walahi waarin layableh oo folhum hawar ilmehedha dil subxan Allah Allah hasuhanuniyo
Asc star fm wa arin layab leh arintas wa ina ladila gbr cunuga dishey sida dinta qabto
subxana Allah wa dambi an cafis laheyn e Allaha ha.abal mariyo tidishay