24.May.2012;- Kadib Kulan xasaasi aaha oo socday mudo 7saacadood ah islamarkaana ay yeesheen xiriirka Kubada Cagta Ingriiska ayaa waxa ay ganaax adag dul dhigeen Captainka Kooxda QPR ee Barton.
Xiriirka Kubada Cagta England ee loo yaqaano FA ayaa duub duub ahaan ganaax dheer oo 12 kulana h dusha u saaray Barton oo ficilo xun ka sameeyay kadib caalamadii casaanka ee la siiyay kulankii Ugu dambeeyay ee Premier League.
xidigaan Qadka Dhexe uga Ciyaara naadiga QPR islamarkanaa h Captainkooda ayaa sidoo kale la dul dhigay ganaax lacageed oo dhan £75,000 oo raali galin ah,taas oo quseysa calaamadii Casaanka ee uu qaaday iyo ficiladii uu ku dhaqaaqay.
Barton ayaa Xusul uu wajiga uga dhuftay Tevez ku mudaystay calaamada Casaanka kadibna waxa uu qaab dagaal ah u abaaray qaar ka tirsan Ciyaaryahanada Manchester city.
waxa uu jilib ku dhiftay Sergio Aguero isagoo teesto siiyay sidoo kale Vincent Kompany kadibna sii raaciyay Tevez isagoo u baxsaday Balotelli.waxa uuna dagaalkaasi ku macneeyay Barton inuu ku doonayay ciyaaryahan la dagaalama oo isna lala bixiyo.
Kooxdiisa oo uu Sanad ka hor kusoo biiray ayaa iminka xili ciyaareedka dambe waxa uu ka maqnaanayaa Muddo 12kulan ah waxa uuna Bixinayaa lacag magdhaw ah.
Barton ayaa ka mid ah ciyaaryahanada ugu anshaxa xun Horyaalak Ingiriiska waxa uuna xili ciyaareedkii alsoo dhaafay kooxdiisa uga maqnaa ganaaxyo iyo calaamada casaanka oo la siiyo.