25.May.2012:- Ciidamada Xooga Dalka Somaliya oo taageero ka helaya Kuwa Midowga Afriga ee AMISOM ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Xooga Dalka Somaliya ayaa sheegay inay siwayn ugu faraxsanyihiin guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay dhawaan galeen islamarkaana ay shacabka u sheegayaan inay is dajiyaan .
Ciidamada dawlada aaya la wareegay dhamaan deegaanada ku deedsan wadada dheer ee isku xirrta Muqdisho iyo Afgooye waxayna maanta holwgalo balaaran ka sameeyeen deegaanada ceelasha Biyaha Lafoole iyo Afgooye oo ay si buuxda u Hantiyeen.
na jirin wax dagaalo xoogan oo ay la kulmeen waxaana la xaqiijiyay in horayba ay halkaais isaga carareen Xoogagii alshabaab taas oo meesha ka saartay dagaalo deegaanadaasi ka dhaca.
dadka shacabka deegaanadaasi aaya siwayn usoo dhaweeyay qaabka istiraatiijiyiada ah ee ay dawlada Somlaiya ula wareegtay Deegaanadaasi waxaana la argaayay shacab badan oo wadooyinka ku bogaadinaayay ciidamada.