24.May.2012:- Bangiga Aduunka ayaa u balan qaaday dalka Kenya in uu ka caawin doono waxyaabo badan islamarkaana uu dadaal dheer u galayo sidii loo sii hormarin lahaa dhanka Hormarka wadanka.
Madaxa Bangiga Aduunka Mr Makhtar Diop ayaa sheegay in Bangiga Aduunka uu Kenya ka caawin doono dhisida Wadooyinka iyo dhanka wax soo saarka Tamarta.
Mr Diop ayaa sidoo kale balan qaaday in Bangiga Aduunka uu Kenya ka taageeri doono howlaha dhaqan galinta Dastuurka Cusub iyo iIbadal lagu sameeyo Waaxda Garsoorka ee dalka.
Madaxa Bangiga Aduunka ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Bangiga Aduunka ee magaalada Washington DC ,kadib markii halkaasi uu kula kulmay Madaxweyne ku xitgeenka dalka Kenya Kalonzo Musyoka .
Mr Musyoka ayaa dhankiisa sheegay in bangiga aduunka ay u gudbiyeen dalab ku aadan in kenya ay ka caawiyaam dhanka Kobcinta dhaqaalaha dalka.
Bangiga aduunka ayaa horay walaac uga muujiyay arimaha la xariira dhanka maamulka iyo maaraynta deeqaha uu bangiga ugu deeqo dalka kenya.
Waxa uuna horay u joojiyay lacagtii uu ku maalgalin jiray Mashruuca Kazi Kuwa Vijana sababo la xariira isdaba marin lagu samayay.