30.May.2012:- Ilaa iyo 4 Askari ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Weerar koox Burcad ah oo hubaysan ay ku qaadeen Gaarigii ay la socdeen oo marayay meel u dhaw magaalada Liboi.
Gaariga siday askarta dhaawacantay ayaa waxa uu ka ambabaxay Magaalada Dadab waxa uuna ku sii jeeday Magaalada Liboi oo ku taala xuduuda uu dalka Kenya la wadaago Wadanka Soomaaliya .
Weerarkan gaadmada ah oo ka dhacay inta u dhaxaysa Kulan iyo liboi ayaa la sheegay in ay gaysteen burcad hubaysan oo aan la garanaynin.
Mid ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkaasi oo ahaa sargaalkii watay ciidamada weerarka lagu qaaday laguna magacaabo Mr Stanley Kimatu ayaa la sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray.
Dhaawacyada ayaa qaarkood loola cararay Isbitaalka Dadab oo ay gaysay diyarad Helicopter ah waxaana loo geenayaa magaalada Nairobi si dhaawacyada qara oo halis ah loola dacaalo.
Taliyaha Ciidamada Police-ka Gobolka Waqooyi Bari Leo Nyongesa ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi waxa uuna xusay in dhaawcyada qaar ay halis yihiin islamarkaana Nairobi loogu qaadayo si baxnaano caafimaad oo dheer u helaan.
Dhanka kale Burcadni ayaa saaacado ka hor inta aysan weerarin gaariga Askarta waxa ay sidoo kale weerareen gaari Bas ah oo wadada marayay mana jirin wax qasaare ah oo soo gaaray shacabkii saarnaa .
Si kastaba ha ahaateen dhacdadani ayaa qayb ka ah falalka Amni darada ah oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan xerooyin Qaxootiga ee Dadab iyo Goobaha ku xeeran.