Saturday, May 18th, 2013

Ninka dunida ugu gaaban oo noqday 72 jir u dhashay dalka nepal

Published on March 11, 2012 by   ·   No Comments

11.3.2012         Nin beeralay ah oo ka soo jeeda dalka Nepal ahna 72-jir ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday inuu yahay ninka dunida ugu gaaban.

Dhaqtar iyo sarkaal ka socday ururka la yiraahdo Guinness World Records oo gaaray dalka  Nepal si ay u soo cabiraan Chandra Bahadur Dangi ayaa xaqiijiyey in uu dhererkiisu yahay  21.5 inches (54.6 centimeters), waxayna ku dhowaaqeen in ninkan la yaabka leh uu noqday qofka dunida ugu gaaban.

Guiness ayaa waxa ay guddoonsiiyeen odayga labo shahaado  oo cadeyneysa in uu yahay ninka ugu gaaban dunida ee la diiwaangeliyey muddo 57sano ah.

Dangi ayaa ku nool tuulo fog oo ku taal meel buuraley ah oo ka  mid dalka Nepal waxana uu sheegay inuu doonayo indunida uu soo maro kuna safro wadamo badan oo caalamka ah.

Dangi ayaa ka gaabtay ninkii hore u haystay rikoorkan oo ahaa Junrey Balawing oo u dhashay dalka Philippines, kaasoo dhererkiisu yahay  23.5 inches (60 centimeters).

Waxana uu ninkan ka qaaday sanadkii hore gaabnida dunida Khagendra Thapa Magar oo  18 jir ah kaasoo dhererkiisu noqday 26 inches.

Nepal’s Chandra Bahadur Dangi, ayaa aqriyey buuga lagu qoro taariiqaha ee  Guinness World Records 2012 kadib markii si rasmi ah loo shaaciyey inuu yahay ninka ugu gaaban dunida.

Waxana uu Chandra isagoo kaftamaya yiri Buugga ayaaba iga weyn aniga!!.

Dangi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in u unoqday ninka dunida ugu gaaban, Waxana uu sheegay inuusan weligii daawo isticmaalin amaba xitaa taqtar baaritaan ku sameeyey.

Balse waxa uu qirtey in hargab uu ku dhacay dhowr mar balse uu isticmaalay biyo kulul iyo cunto ka mid ah kuwa laga isticmaalo dalkiisa kadibna uu ku bogsaday.

‘Aniga ma jiran waayo jirkeyga ayaa wanaagsan.’ayuu yiri Chandra

Chandra ayaa marka uu cuntada cunayo waxa uu isaga fariistaa miiska dushiisa oo aan wax dhib ah uusan u arkin.

Dangi ayaa ah ilmaha toddobaad qoys ka kooban lix wiil iyo labo gabdhood, mana xusuusto aabihii iyo hooyadii oo dhintay markii uu 16sano jir ahaa. Hase yeeshee waxaa soo barbaariyey walaalkii ka weyn.

Dangi oo la weydiiyey sababta uusan hore u soo dalban in la cabiro ayuu sheegay in ay yihiin qoyskiisu kuwo jaahiliin ah oo aanba horeba uga warqabin in uu jiro rikoor dunida ay ku tartanto.

 

PDF Creator    Send article as PDF   

Readers Comments (0)




Local News

kenya adn tanzania flag

Kenya iyo Tanzania oo si wadajir ah howlgal ammaan uga fuliyay xuduuda ka dhaxaysa

May 18, 2013
  Kenya iyo Tansaaniya ayaa   si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlgal ammaan kadib markii laba todobaad ka hor ...
supreme_court

Garsoore sare oo ka tirsan maxkamada sare oo shaqadiisii hakad la galiyay.

May 18, 2013
  Gudiga adeega Garsoorka ee loo soo gaabiyo JSC ayaa hakad galiyay howlihiisa garsoore sare oo ka tirsan maxkamada ...
narok

Shil gaari oo qasaare geestay oo ka dhacay Narok

May 18, 2013
  Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay ...
uhru

Madaxweyne Uhuru kenyatta oo la kulmay dhamaan gudoomiyayaasha Deegaanada Dalka

May 18, 2013
  Madaxweyne Uhuru kenyatta ayaa la kulmay dhamaan gudmooyiyaasha Countiyada 47 Counti wadanka. Kulanka oo ka dhacay State houseka ayaa ...
wajir women

Haweenka tuulooyinka Wajeer oo dhibaatooyin ka cabanaya

May 18, 2013
  Haweenka ku dhaqan tooliyinka countiga wajeer ayaa waxa haysta dhibaatooyin kala dowan oo ay cabasho ka muujiyeen. Wariyaha Starfm ...
DJ 3

kenya oo doonaysa in la kordhiyo tirada AMISOM

May 17, 2013
  Dowlada dalkani kenya ayaa doonaysa in la kordhiyo tirada ciidamada nababad ilaalinta Midowga afrika Amisom ee ka howlgala ...
Attorney-General-Githu-Muiga

Xeer ilaaliyaha guud oo sheegay in baaritaankii lagu sameeyay rabshadihii tana Riiva dhawaan la soo bandhigi doono.

May 17, 2013
  Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa sheegay in warbixinti baaritaankii lagu samayay isku  dhacyadii Tana Riiva oo ay ...
iebc

Gudiga doorahada iyo Xuduudaha oo dalbaday dhaqaale ay ku qabtaan doorshada ku celiska ah ee MKweni.

May 17, 2013
  Gudiga doorshada iyo xuduudaha ayaa waxaa ay sheegeen in 300 ilaa 400 oo milyan ay u baahanyihiin si ...
kidero

Gavanaaga countiga Nairobi oo waqti kama danbays ah u qabtay dhamaystirka dhismaha wadooyiinka Islii .

May 17, 2013
  Gavanaaga countiga nairobi Evans Kidero ayaa amar ku bixiyay in qandaraaslayaasha wada howsha dhisida wadooyiinka Islii ay dhameeyaan  ...
hyna

Qaar ka mid ah duur joogta oo la sheegay in ay sii dabar go’ayaan .

May 17, 2013
  Waxaa soo baxay warar sheegaya in cidooda ama duur joogta qaar ka mid ah ay sii dabar go'aan waxa ...

Sports

Falcao

Falcao ” Warka Mustaqbalkeyga Laga Sheegey Waa Been Abuur ”.

May 18, 2013
  Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcaoayaa beeniyay in uu wax ka og yahay in ay jiraan wadahaadlo uu ...
Seedorf

Seedorf Oo Loo Badinayo Inow Tababara Ka Noqdo Kooxda AC Milan

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa dhawaan sheegay in tababare Massimiliano Allegri uu ka tagayo kooxda isla markaana ...
ac-milan-serie-a

Tababarahii Hore Ee Kooxda AC Milan Massimiliano Allegri oo U Wareegay Kooxda Roma

May 18, 2013
  Mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa tibaaxay in tababaraha kooxda Massimiliano Allegri uu u wareegayo kooxda Roma marka ...
david-moyes

David Moyes Kulanka So Socoto Maxoy Samedonaa ?? Maxadna Ku Qiyaasi Karta ?

May 18, 2013
  Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, David Moyes ayaa diyaar u ah in uu bilaabo shaqada kooxda United ...
insta

Xidiga Barcelona Andres Iniesta Oo Aan Ku Faraxsaneyn La Joogitanka Kooxdaasi

May 18, 2013
  Ninka labaad ee ugu wanaagsan kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn xiligan Barcelona . Andres ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna