Van Persie oo beeniyay inuu u socdo Kooxda Real Madrid.
Published on February 11, 2012 by Idaajaa · No Comments
11.February.2012:- Weeraryahanka Kooxda Arsenal Roben Van Persie ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu qorshaynaayo sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Reer Isbaanish ee Real Madrid.
Van Persie oo ilaa iyo iminka aan kooxdiisa u saxiixin qanadaraaska kooxdiisa oo sii dhamaanaya ayaa waxa uu si cad u sheegay inuusan doonayn Real madrid.
laacibkaan reer Holland ayaa Batiisa Twitter-ka ku qoray isaga oo ka jawaabayay hadalada la xiriirinaayay inuu doonayo Real,taas oo ay soo xiganaysay jariirada marca.
“gabi ahaanba waa been,wararka sheegaya inaan doonayo Real,ma jirto wax waraysi ah oo aan siiyay jariirada Marca,mana la kulmin,”
macalinka kooxda Arsenal ayaa hadaladaasi kolkii ay soo baxeen siwayn u cambaareeyay isagoo ku tilmaamay kuwa kala dilaaya ciyaaryahanka iyo kooxdiisa.
“dhab ahaantii Marco waa mid abuurid badan sida qaar ka tirsan Wargaysyada Ingiriiska,taas oo ka macno ah inaadan Rumaysan karin hadalada ay qoraan’
“sheekadu waa been,waa mid ay abuurteen,waxaan filayaa inta aan ka ognahay abuurkooda in ka badan inay ka ogyihiin Real”