Shil gaari oo ka dhacay daanta galbeed ee dhulka Falastiin oo ay caruuri ku geeriyoodeen.
Published on February 16, 2012 by Idaajaa · No Comments
16.February.2012:- Ilaa iyo shan caruur ah ayaa ku geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaari wayn oo ay lahayd Israel uu dul maray gaari Bus ahaa oo caruurtaasi la socdeen.
Shilkani ayaa dhacay kadib markii uu wadada ka saaray gaariga Bus Skhoolka ah gari wayn oo ay leedahay Israel meel ku dhow deegaanada Yuhuuda ee Daanta Galbeed ee dhulka Palastiin.
Afhayeen u hadlay ciidamda Police ka Israel oo waraysi siinayay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in gaariga wayn ee Israel uu ku dhacay Bus Skhoolka isla markiina uu wadada ka dhacay Baskaasi.
In ka badan 30 caruur ah ayaa ku dhaawacantay shilkaasi gaari iyadoo afhayeenka Policeka oo ka hadlay arintaasina uu sheegay inbadankood caruurtaasi ay shoogsan yihiin.