Safaarada Biriten ee Somalia oo cambaaraysay Qaraxii shalay.
Published on February 9, 2012 by Idaajaa · No Comments
09.February.2012:- Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka Hotelka Muno oo ku yaalla meel u dhow taalladii SYL ee degmada Xamar-weyn ee gobolka Banadir, kaasi oo ay ku dhinteen in kabadan Tobaneeyo qof, 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
Danjiraha ayaa tacsi u diray guud ahaan dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, una rajeeyay caafimaad dadkii ku dhaawacmay, isagoo sheegay in qaraxani uu yahay mid daliil cad u ah in Al-Shabaab ay u soo jeesteen xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Mr Matt Baugh ayaa sheegay in qaxarani uu wiiqi doonin deddaallada lagu doonayo in dalka nabad dib loogu soo dabaallo, balse uu sii xoojin doono midnimada ummadda Soomaaliyeed oo haatan fahantay dhibaatooyinka maleeshiyada al-Shabaab.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa horrey u ahaa wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ka hor inta aan dhowaan loo magacaabin danjiraha cusub ee caasimadda Muqdisho u fadhiya dowladda Britain, kaasi oo warqadda aqoonsigiisa uu ka guddoomay madaxweyne Sheekh Shariif.