Published on February 2, 2012 by Idaajaa · No Comments
02.February.2012;- Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Franck Rebery ayaa sheegay in sanadkaan ay muhiim tahay in ay gaaraan wareega finaalka ah ee Tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub oo garoonkooda lagu qabanaayo sanadkaan.
Ribery ayaa sheegay inuu ku riyoonaayo iyaga oo jooga Finaalka Tartanka Championka ee xili ciayareedkaan lagu soo gabagabeeynaayo garoonkooda Allianz Arena.
“in aan gaarno finaalka Champions League waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu horeeya ee aan hiigsanaayo iminka,sidoo kale waxa ay noqonaysaa Riyo Run noqotay”
laacibkaan reer France Franck Ribery oo waraysi siinaayay Bogga ay internetka Ku leedahay Kooxdiisa ayaa waxa uu intaasi raaciyay.
“waxaan filayaa taas waan samayn karnaa,laakiin waa arin aad u adag,tilaabada ugu horesa waa inaan ka adgaanaa Basel,kadibna aan aragno waxa xiga”
Franck Ribery ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay hamigiisa ku aadan in dhanka kale kooxdiisa ay awoodo inay hanato Horyaalka Germanka,
“4 kooxood ayaa haatan ku loolamaysa,waxa filayaa waxa uu noqon doonaa mid adag loolanka,waa in aan saadaal sana inaan qaadi karno,aana guulaysanaa kulamo badan,waxaan filayaa kooxaha dariskeena ah ee Dortmund and Schalke,ayaa ugu cadcad waana in aan la loolanaa”
kooxda Bayern Munich garoonkeeda baaxada wayn ayaa sanadkaan bisha May lagu soo gabagabaynayaa Horayalka Tartanka Kooxaha Yurub ee Championka.