Raila oo sheegay in ay baarlamaanka go’aan ka gaari doonaan goorta doorashada la qabanaayo.
Published on February 15, 2012 by Idaajaa · 1 Comment
15.February.2012:- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa waxa uu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay go’aan ka gaari doonaan goorta la qabanaayo doorashada guud ee soo socota .
mr Odinga ayaa aqalka baarlamaanka u sheegay in ay arintani go’aan ka gaarista goorta doorashada la qabanaayo ay muhiim tahay isla markaana aysan wanaagsanayn in lagu daayo isaga iyo madaxwaynaha .
Raisul wasaare Raila Odinga ayaa waxa uu sheegay in ay baarlamaanka keeni doonaan biil si ay xildhibaanada go’aan uga gaaraan goorta doorashada guud la qabanaayo .
maxkamada sare ayaa dhawaan waxa ay sheegtay in doorasha la qaban karo sanada 2012 oo kali ah hadii madaxwaynaha iyo raisul wasaaraha ay kala diraan dowlada isbahaysiga salka balaaran.
Wankusalamay sxb