Raila oo ku baaqay in laga hortago wax waliba oo rabrashad dhalin kara.
Published on February 16, 2012 by Idaajaa · No Comments
16.February.2012;- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha in ay feejignaan muujiyaan marka ay ku jiraan ololaha doorashada soo socota iyaga oo ka hortagaya ficilo dhalin kara xiisado qabiileed amaba rabrashado.
Raila Odinga ayaa sidoo kale ku baaqay in gabi ahaan laga hortago in ay dalka ka dhacaan waxyaabihii dhacay 2007dii halkaasi oo ku nafwaayeen dad badan.
Mr.Odinga ayaa hoosta ka xariiqay in haweenka iyo gabdhaha ay yihiin kuwa u nugul marka ay rabrashadaha dhacaan iyaga oo la kulma gufsi iyo tacadiyo kale.
Raisul wasaare Raila Odinga ayaa sidoo kale ku baaqay in si buuxda loo dhaqan galiyo dastuurka cusub si looga faaidaysto.