Mareykanka, afgaanistaan iyo taalibaan oo la sheegay in wada hadalo sadex geesood ah ay yeelanayaan
Published on February 16, 2012 by Idaajaa · No Comments
16.February.2012:- Madaxweynaha afgaanistaan ayaa sheegay in wadahadalo sadex geesood ah ay dhexmarayaan, xukuumada afgaanistaan, ururka taalibaan iyo mareykanka.
Wareysi uu siiyey jariirada the wall street ayuu madaxweynaha afgaanistaan xamiid karazaay ku sheegay inay jiraan wadahadalo siyaasadeed oo u dhexeeya dawladiisa iyo ururka taalibaan, tiiyoo uu sheegay sidoo kale inay jiraan xiriiro dhexmaray mareykanka iyo ururka taalibaan.
Mar la weydiiyey madaxweyne karazaay, halka rasmi ahaan ay ku qabsoomayaan wada hadaladaasi ayuu ka gaabsaday, waxaana uu sheegay in taasi ay dhaawac u geeysan karto wada xaajoodyada socda.
Dadka reer afgaanistaan oo ay ku jiraan xitaa taalibaan waxa ay doonayaan nabad, qoysas iyo caruur ayey leeyihiin, waxay ila tahay sidaanu doonayno ayey iyaguna doonayaan, ayuu madaxweyne karazaay ku sheegay wareygan ay la yeelatay jariirada the wall street.
Abdulaahi wegas oo ah taliye sare oo ururka taalibaan ka tirsan ayaa laga soo xigtay in olalahooda military uu mareykanka iyo xukuumada xamiid karzaay ku qasbay in wadahadalo ay aqbalaan oo misska wada xaajoodka ay soo fariistaan.
Saraakiil ka kala tirsan labada dhinac ee mareykanka iyo taalibaan ayaa la sheegayaa in wadahadlo qarsoodi ah ay ku yeesheen wadamada jarmalka iyo Qatar, sanadkii 2010.kii.sida laga soo xigtay ila wareedyo ku sugan dalka afgaanistaan.