Huntelaar oo sheegay inuusan ka shalaynayn ka hayaamidii Real.Milan iyo Ajex.
Published on February 6, 2012 by Idaajaa · No Comments
06.February.2012:- Weeraryahanka Xulka Qaranka Netherlands iyo Kooxda Reer Germany ee Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa sheegay inuusan ka shalaynaynin ka hayaamidii kooxaha Ajex, Real Madrid, iyo Milan.
Hunbtelaar ayaa sheegay in uu go’aamadaasi u argo kuwa mustaqbalkiisa dhisay islamarkaana ahaa kuwa sax ah,oo uusan iminka ka shalaynaynin sababtii uu u qaaday.
“mar wlaaba ma ogid waxa fiican laakiin go aamadaasi waxa ay ahayeen kuwa sax ah,marwalbaa waa in aad fiicnaanda saadaalisaa”
“Real Madrid waa koox cajiib ah,aad u fiican,halkaasi waxaan uga ciayaray dhanka weerarka,waxaana la qabsaday kooxda oo kubad fiican ciyaaraysa,taasi waan bogaadinayaa”
“Kubada cagta talyaaniga waa mid taas ka badalan,laakiin iyana wanaageeda ayay lahayd sidoo kale,sida dadka ay dhahaan mararka qaar,Ubax walbaa Qodax ayuu leeyahay”