Published on February 14, 2012 by Idaajaa · No Comments
14.February.2012:- Hogaamiyaal ka kala socda midowga yurub iyo shiinaha ayaa maanta waxaa ay ku kulmayaan magaalada Beijing, si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka dhaqaale ee wadamada midowga yurub.
Premier win jiabo oo ah masuul sare oo ka tirsan xukuumada china ayaa waxaa kulan uu la leeyahay madaxa ururka midowga yurub Herman Van Rompuy iyo madaxa dhaqaalaha ee ururka midowga yurub Jose Manual Barroso.
Arinta ugu weyn ee masuuliyiinta labada dhinac ay isla falanqeyn doonaana waxa ay tahay dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ee soo wajahay wadamada isticmaala lacagta yuurowga iyo caawimaada ay china ka geysan karto arintaasi, waxaa sidoo kale la filayaa inay isla soo qaadi doonaan dhibaatada ka taagan Syria iyo sidoo kale waxa laga yeelayo arinta nuclearka ee wadanka Iran.
“Waxaan aaminsanahay in china ay tahay saaxiibka ugu weyn ee xaga ganacsiga qaarada yurub iyo iyadoo ay qeyb ka ah wadamada ugu tunka weyn xaga dhaqaalaha dunida, sidaasi daraadeedna waxaa door muhiim ah ay ka qaadan kartaa xalinta dhibaatooyinka dhaqaale ee midowga yurub” sidaas waxaa laga soo xigtay afhayeenka wasiirka arimaha dibada ee shiinaha.
afhayeenka oo hadalkiisa sii watana waxaa uu sheegay in china ay dadaal weyn ugu jirto sidii xal buuxa loogu heli lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee midowga yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyey in hada ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan arintaasi.
Wadamada isticmaala lacagta yuurowga ayaa waxaa ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin xaga dhaqaalaha ah iyo iyadoo dalka ay saameynta ugu ba’an ku yeelatay dhibaatooyinka dhaqaaluhu uu yahay dalka gariiga.