Francis Atwoli oo canbaareeyay siyaasiyiinta wada ololaha doorashada soo socota.
Published on February 16, 2012 by Idaajaa · No Comments
16.February.2012:- Xoghayaha guud ee ururka COTU Francis Atwoli ayaa canbaareeyay siyaasiyiinta wada ololaha tartanka madaxwaynanimada ee waqtigiisii laga soo hormariyay .
Xoghayaha ayaa ku tilmaamay ololaha ay iminka wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta in uu yahay mid aan waqtigiisii la joogin isla markaana uusan ololahaasi ahayn mid wanaagsan .
Atwoli ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in badalkii ay siyaasiyiinta olole gali lahaayee in looga baahanyahay in ay taageeraan geedi socodka dhaqan galinta dastuurka cusub .
Xoghayaha guud ee COTU ayaa ugu baaqay madaxwayne Kibaki iyo raisul wasaare Odinga in ay qaataan masuuliyada hogaankooda ayna wadanka ka badbaadiyaan xiisado siyaasadeed.
Mr Atwoli ayaa dhanka kale ugu baaqay dadka kenyanka ah in si taxadar uu ku jiro ay u soo doortaan hogaamiyayaashooda isla markaana hogaamiyayaashooda ay la xisaabtamaan.