Dowlada Baniin oo ku amaantay kenya doorkeeda gobolka.
Published on February 15, 2012 by Idaajaa · No Comments
15.February.2012:- Dowlada dalka Benin ayaa amaan iyo boogaadin u soo jeedisay doorka dalka Kenya uu ka ciyaaro xaqiijinta xasiloonida iyo nabada gobolka geeska Africa .
Ergayga madaxwaynaha dalka Baniin Boni Yayi Prof. Naissirou Bako-Arifari, ayaa gaar ahaan ku amaanay dowlada dalka Kenya howlgalka ay ciidamadeeda ka wadaan gudaha soomaaliya kaasi oo ka dhan ah xarakada Alshabab .
Prof. Bako-Arifari ayaa hadalkan jeediyay maanta ka dib markii uu u gudbiyay madaxwayne kibaki fariin uu ka siday madaxawynaha dalkaasi Beniin oo iminka ah gudoomiyaha ururka Midowga Africa .
Ergayga gaarka ah ee dalka Beniin ayaa u dul maray madaxwayne Kibaki kulamada soo socda ee ay ka qayb galayaan madaxwaynayaal gaar ah oo la soo xushay bishan kaasi oo looga baaraan dagi doono dhibaatada qaarada gaar ahaan muranka hareeyay gudoomiyanimada gudiga midowga Africa.
Madaxwayne Kibaki oo fariinta ka gudoomay ergayga dalka Baniin ayaa ugu hanbalyeeyay dhigiisa dalka Beniin doorashadii loo doortay gudoomiyanimada midowga africa .