Diyaaradaha Israel oo mar kale weerar ku qaaday Marinka Qaza.
Published on February 19, 2012 by Idaajaa · No Comments
19.February.2012;- Laba ruux ayaa ku dhaawacantay gantaal diyaaradaha Israel ay ku duureen daanta Qaza meel ay dad badani joogen.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in meesha ay diyaarada Israel duqaysay ay ahayd deegaan si aad ah dadku ugu badnaayeen taas oo dhacda xaafada Zaytuuniya ee Qidaac Qaza.
Saraakiisha caafimaadka ee deegaankaasi ayaa xaqiijiyay dhaawaca labadaasi ruux iyagoo sheegay in ay jiraan qasaaro hantiyadeed oo gantaalkaasi uu sababay.
Weerarka diyaaradaha srael qaadeen ayaa kusoo beegmay xili wax yar un ka hor uu TV-ka Israel baahiyay in 3 saaruuq oo laga soo duuray marinka Qaza ay ku dhaceen magaalada Bi’ru Sabca ee koofurta Srael.