Daniele De Rossi oo ka hadlay sababaha uu kooxda Roma ugu saxiixay qandaraaska dheer.
Published on February 6, 2012 by Idaajaa · No Comments
06.February.2012:- Daniele De Rossi oo shalay qalinka Ku Duugay qandaraas Dheer oo gaaraya ilaa iyo 5 sano oo uu lasiijoogaayo kooxdiisa Roma ayaa sheegay inuu mar ku dhawaa ka hayaamida Naadiga Giallorossi.
28jirkaan oo bishii dhamaaday lala xiriirinaayay suuqa islamarkaana uu jiray hadal hayn balaaran oo ku aadan sii mustaqbalkiisa Roma ayaa intaasi raaciyay inuu iminka ku qancay sii joogitaanka naadigiisa.
laacibkaan ayaa xusay in sababta ugu wayn ee uu u saxiixay qanadaraska cusub ay tahay taageerayaasha oo uu ka argay soo dhawayn fiican iyo ladhaqan maacan.
“waxa ii jiiday inaan inta sii joogo,waa in aan rabo inaan gudo shaqadayda anoo inta jooga,waa kooxdaan,magaaladaan,iyo dadkaan,waxa aan go’aansaday waa inta.”
laacibkaan ayaa siwayn loola xiriirinaayay kooxda ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska ee Manchester City,oo siwayn u baadi goobaysay.
“wada hadaladu waxa ay dheeraadeen,anna ma dafiri karo taas,oo aan siwayn u dhibsaday,waxaan ku fakaray arimo badan oo taageero ah,waxaana la hadlay dad badan intii lagu jiray waqtigaas”
“waxaan rabay inaan joogo kaliya hadii taageerayaashu isoo dhaweeyaan,sanadkii hore waxaan argay jaceelka taageerayaasha ii qabaan,xaqiiqduna waxay tahay in qaarkood ay sitoos ah ii su aaleen in aan rabo inaan baxo,”
De Rossi ayaa intaasi raaciyay in uu ku qancay ugu dambayn dhamaan heshiisyada kooxdiisa waxa uuna shaaciyay inuu rajaynaayo in waqti gaan cusub uu wax badan filaayo islamarkaasna uusan hilmaameyn waxii hore.
Daniele De Rossi ayaa kooxdiisa Roma waxa uu la sii joogayaa tan iyo 2017-da taas oo ah mid aad u dheer islamarkaana meesha ka saaraysa hamiga kooxo badan oo laacibkaan lala xiriirinaayay.