Ciraaq oo adgaynaysa xuduuda ay lawadaagto Siiriya.
Published on February 19, 2012 by Idaajaa · No Comments
19.february.2012:- Xukuumada Ciraaq ayaa ka dhawaajisay inay adgaynayso amaanka xuduuda ay la wadaagto wadanka Syria,oo ay ka socdaan rabshado baahsan.
Go’aankaan oo ay xukuumada Ciraaq ku sheegtay bayaan ay soo saareen ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga walaacsanyihiin saamayn ay ku yeelato dibad baxyada dhiiga badan ku daadanaayo ee dalkaasi dariska la ah ka jira.
waxayna cabsi ka muujiyeen inay dhici karto Hub amaba waxyaabo kale oo amaanka wax u dhibaaya in laga fuliyo Xuduuda.
Bayaanka oo ka soo baxay xafiiska Raisul wasaaraha Ciraaq Nuur al Maliki ayaa lagu sheegay in kulan xasaasi ahaa oo ay saraakiisha amaanka ka yeesheen dhanka qataraha Xuduudooda ay aritaasi ku iclaamiyeen.
waxayna Bayaanka ay intaasi raacinaaya in Ciraaq ay xaq u leedahaya inay ku dhaqaaqdo tilaabo kastaa oo ay amaanka iyo xasiloonida dalkeeda ay ku xakamayn karto.