Ciidamada dowlada Siiriya oo weeraro culus ka bilaabay magaalada Deraa.
Published on February 16, 2012 by Idaajaa · No Comments
16.February.2012:- Ciidamada dowlada Siiriya ayaa duqaymo iyo weeraro aan kala go lahayn ka bilaabay magaalada kunfurta wadankaasi ku taala ee Deraa.
Magaaladani ayaa lasheegayaa inay hoy u noqotay weeraro iyo duqaymo culus sida magaalooyinka Xoms iyo Xama ee wadankaasi.
Dagaalkani iyo duqayntani ayaa imaanaysa xili ay socdaan dood ay yeelanayaan xubnaha joogtada ka ha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan qalalaasaha ka socda dalkaasi Siiriya.
Duqayntani iyo dagaal kani ayaa sidoo kale imaanaya xili maanta galinka danbe la filayo inay cod u qaadaan xubnaha joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay qaraarka cusub ee cambaaraynaya xukuumada Madaxwayne Bishaar Al asad.