Biriten oo sare u qaadaysa lacagaha ay ku taageerto dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Bariga Africa .
Published on February 14, 2012 by Idaajaa · No Comments
14.February.2012:- Dowlada Biriten ayaa balan qaaday in ay kordhin doonto lacagaha ay siiso wadamada Bariga Africa si sare loogu qaado la dagaalanka Argagixisada .
Sii hayaha xilka safiirka Biriten ee magaalada Nairobi Dr. Peter Tibber ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka dhanka ah xarakada Alshabaab ee iminka socda uu yahay mid qatar dhanka amaanka ah ku keeni kara gobolka isla markaana loo baahanyahay in la kordhiyo dadaalka beesha caalamka ee ku aadan in la soo afjaro qatarta argagixisada.
Danjiraha ayaa ka hadlayay furitaankii kulan goboleedkii 5-naad ee hogaamiyayaasha sarsare ee gobolka.
Dhanka kale ku xigeenka abaanduulaha ciidamada Major-General Maurice Oyugi ayaa waxa uu sheegay in dagaalka iminka socda ee ka dhanka ah Al shabaab uu yahay mid adag isla markaana kooxaha argagixisada ay sii balaariyeen howlahooda danbiyada .