Baarlamaanka oo dalbaday in la kordhiyo waqtiga ay ku ansixinayaan biilalka muhiimka ah .
Published on February 15, 2012 by Idaajaa · 1 Comment
15.February.2012:- Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa ay doonayaan in waqtiga kama danbaysta ah ee loo qabto in lagu ansixiyo 7 biil oo muhiim ah in la kordhiyo lagana dhigo 90 maalmood.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxa ay doonayaan in waqtiga kama danbaystay ee biilalkaasi loo qabtay in lagu ansixiyo oo ah 26-ka bishaan in muddo 3 bilood ah taasi oo markaasi noqonaysa 26-ka bisha May ee soo socota.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa cadaadis ba’an saaray afhayeenka baarlamaanka iyaga oo ka dalbanaayay in uu u ogolaado mooshin hadii la ansixiyo u ogolaanaya in waqtiga la kordhiyo lagana dhigo 26 bisha May .
Go’aankani ku saabsan in waqtiga biilalkani muhiimka ah lagu ansixinayo lana kordhiyo ayaa ka danbeeyay ka dib kulan ay yeesheen gudiga baarlamaaniga ee cadaalada iyo arimaha sharciga iyo gudiga kale dusha kala socda howsha dhaqan galinta dastuurka .
Gudoomiyaha gudiga dusha kala socda howsha dhaqan galinta dastuurka cusub mr Cabdi Qaadir Maxamed ayaa waxa uu sheegay in biilalkani ay yihiin kuwa muhiim ah isla markaana u baahan waqti looga baaraan dago.
Biilalka laga doonayo in ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamanka ilaa 27 bishan ayaa waxa ka mid ah biilalka dhulka ,biilka ka hadlaya Devolution iyo biilka dowladaha Countiyada .
Haa taasi waa run waana muhiim in loo yeelo codsigoooda waayo dhakhsashada faiida makeeneyso