Saturday, May 19th, 2012

Warsaxaafadeed: Shir Jaraa’id Ra’iisul Wasaaraha

Published on February 7, 2012 by   ·   No Comments

Warsaxaafadeed: Shir Jaraa’id Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho, February 7, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho ka dib safarro uu ku soo kala bixiyey Rome, Nairobi iyo Djibouti.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Talyaaniga 29kii Janaayo ilaa iyo 1dii Febraayo ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Mario Monti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la soo qaatay Wasiirada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Talyaaniga xiriirka qotoda dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo shirka London ee 23ka Febraayo 2012. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in warqad la sheegay inay ka soo baxday dalka Talyaaniga uu kala hadlay dowladda Talyaaniga ayna caddeeyeen inaysan warqadaas aheyn mid ka tarjumeysa siyaasadda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in Soomaaliya dib loogu celiyo gumeysi oo uu sheegay in Soomaaliya ay tahay Dowlad madax-bannaan oo caalamka ka mid ah.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inuu Nairobi kula kulmay 3dii Febraayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska William Hague oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirka London ee 23ka Febraayo iyo xiriirka labada dal ee Ingiriiska iyo Soomaaliya. Waxuuna sheegay in uu u sheegay Dowladda Ingiriiska in Soomaalidu ay aad ugu hanweyn yihiin kana filayaan rajooyin wanaagsan shirka London oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugeyso shirkaas inuu matalo maslaxadda Soomaaliya oo lagu horumariyo Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la rajeynayo in baarlamaanka cusub uu noqdo 225 mudano oo tayo leh iyo in la sii dhameystiro Dastuurka cusub.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Djibouti 04tii ilaa iyo 06dii Febraayo oo uu uga qeybgalay Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah (ICG) oo kulankoodii 21aad ku yeeshay Djibouti ayna ka soo qeybgaleen 40 dowladood loogana hadlay sidii Dowladda looga saacidi lahaa Qorshaha Xasilinta Degmooyinka iyo Gobolada Gaar ahaan goobaha laga saaro Al-Shabaab, si shacabka loogu gurmado oo ay u helaan adeegyadii bulshada isla markaana u sameystaan guddiyo amni iyo maamul ay aayahooda uga tashadaan. Sidoo kale shirka waxaa aad looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa Xilliga Kala Guurka ah.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal isla markaana uga mahadceliyey ciidamdii ay dhowaan Djibouti u soo direen Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta soo maray magaalooyinka Garowe iyo Galka’yo inta aanu iman Muqdisho oo uu madaxda iyo shacabka maamuladaas kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmapka iyo Garowe Principles.

—-Dhamaad—-

Free PDF    Send article as PDF   

Readers Comments (0)




Local News

CRIME-SCENE_NET

Wiil uu dhalay wasiirka Maaliyada Kenya oo is dilay.

17.May.2012;-  Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada  Njeru Githae ayaa saakay isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi. Wiilkani uu dhalay ...
Eugene Wamalwa

Wasiirka cadaalada oo walaac ka muujiyay dhalinyarada badan ee kibandha la’aanta ah.

17.May.2012:-  Wasiirka cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Eugene  Wamalwa ayaa waxa uu sheegay in inka badan 4 milyan oo ...
uhuru

Uhuru oo dhawaan shaacinaya Xisbiga uu doorashada uga qayb galayo.

17.May.2012;-  Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Axada soo socota xisbiga uu doonayo in ...
ACCIDENT-

Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay wadada Muranga ee Kenya

17.May.2012:-  ugu yaraan 15 qof  ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo ...
tb

Gabaabsi dhanka Talaalka Nooca looga hortago TB oo dalka ka jira .

17.May.2012:-  Dowlada ayaa cadaysay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka talaalka BCG oo ah Talaalka Caruurta ee ...
shariif

Madaxwayne shariif oo ka warbixiyay Kulankii Golaha amaanka ee Newyork ka dhacay

16.May.2012:-  Madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka warbixiyay Kulankii Shalay ay Golaha amaanka ...
mom

Booliiska Gobolka Xeebta oo baaraya weerar xalay lagu qaaday goob Club ah .

16.May.2012;-  Booliiska magaalada Mombasa ayaa baaritaano ku haya weerarkii Bambaano ee xalay lagu qaaday goob Club  ah oo ...
mukuruy

Dab ka kacay xaafada isku raran ah oo ku taala Nairobi

16.May.2012;-  In ka badan 100 qoys ayaa ku gurya beeshay dab ka kacay qayb ka mid ah xaafada ...
kakuma

Gaadiidleyda reer Kaakuma oo qiimaha shidaalka ka cabanaaya .

15.May.2012;-  Gawaarilayda Xarada Qaxootiga ee Kaakuma ayaa waxa ay cabasho ba'an ka muujiyeen sicirka shidaalka oo sare u ...
KENYA

Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lala beegsaday askar Kenyaan ah oo ku sugnayd xerada dhagaxlay.

15.May.2012:-  Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay sadex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax xoogan ...

Sports

pod

Podolski oo ka mid noqday ciyaaryahanada Arsenal (sawiro)

16.May.2012:-  laacibka Cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu sugi la'yahay safashada kulamada kooxdiisa Cusub. Podolski ayaasi ...
van-persie490ai

Kooxda Juventus oo doonaysa Van Persie

15.May.2012:-  Naadiga ka dhisan Carriga Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa inay sii laba laabto dadaalka ay ku doonayso ...
hezard

Eden Hazard “waxaan kusoo wajahanahay Manchester”

15.May.2012;-  Ciyaaryahanka dhanka Garabka kaga ciyaara Kooxda Lille  Eden HazardAyaa si rasmi ah ugu celiyya inuu xili ciyaareedkaan ...
ibra

Ibrahimovic oo la sheegay inuu sii ahaanayo ciyaaryahan ka tirsan Kooxda AC Milan

15.May.2012;-  Wakiilka Weeraryahanka Kooxda AC Milan  Ibrahimovic ayaa sheegay in xidigaasi uu sii joogayo kooxda Reer Talyaani ee ...
benzema

Benzema oo Xaqiijiyay inuu sii joogayo Kooxda Real Madrid

15.May.2012;-  Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay hanaanka iyo awooda ciyaareed ee ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna