Xildhibaanada baarlamaanka oo fasaxa ka soo laabanaya ka hor waqtigii loogu tala galay.
Published on January 27, 2012 by Idaajaa · No Comments
27.January.2012:- Xildhibaanada baarlamaanka ayaa la isugu yeeri doonaa ka hor waqtigii loogu tala galay in ay fasaxa dib ugu soo laabtaan si ay uga wada xaajoodaan isla markaana ay u ansixiyaan biilalka la xiriira Devuluushoonka amaba qaybsiga awoodaha kuwaasi oo faahfaahin ka bixinaya qaabkii ay u howlgali lahaayeen dowladaha countiyada ka dib doorashada guud .
Raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka dowladaha hoose Musaliya Mudavadi ayaa waxa uu sheegay in biilka dowladaha countiyada iyo biilka xiriirada u dhaxeeya dowladaha ay diyaar yihiin isla markaana ay mar hore ansixiyeen golaha wasiirada lana sugayo in ay baarlamaanka ka doodaan.
Wasiirka dowladaha hoose Mr Mudavadi ayaa waxa uu intaa ku daray in biilkani uu ilaalinayo madax banaanida dowladaha countiyada si loo xaqiijiyo in dadka Kenyanka ay khayraadka si siman u qaybsadaan.
Nidaamka dowladaha Countiyada ayaa lagu wadaa in dalka uu ka hir galo ka dib doorashada guud ee soo socota .