Weerar gaadmo ah oo ka dhacay waqooyi galbeed dalka Bakistaan oo dad lagu laayay.
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Ku dhawaad sideed askari ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen 25 kalena dhaawac uu soo gaaray kadib markii ay kooxo hubaysan oo islaamiyiin ah ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen goob isbaaro ah oo ay ciidamadaasi ku sugnaayeen oo ku taala deegaanka ku yaala waqooyi galbeed ee dalkaasi.
Goobta uu weerarkaan ka dhacay ayaa lagu sheegay inay ku sugnaayeen oo ay ku badan yihiin qabiilka Kuraam halkaasi oo ay sanadihii ugu danbeeyay ku badnaayeen.
Dhanka kale saraakiisha ku sugan halkaasi ayaa sheegay in ku dhawaad 20 ka tirsan islaamiyiintii weerarka gaysatay ay halkaasi ku dhinteen,iaydoo dhawaacyo intaasi ka badana la sheegay.
Asbuucii lasoo dhaafay ayaa lasheegay inay halkaasi ku dhinteen 23 ruux oo isugu jiray islaamiyiinta iyo askarta halkaasi ku sugnayd kadib isku dhac hubaysan oo halkaasi ka dhacay.