Saturday, May 19th, 2012

Wararkii Ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiya iyo Horyaalka Talyaaniga

Published on January 25, 2012 by   ·   No Comments

25.January.2012;- Kooxaha ka dhisan Horyaalka Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ay isku dayaan in ay suuqa kala iibsiga kasoo qaataan Ciyaaryahano si ay ugu meel gaaraan Koobka xili ciyaareedkan.

*** Kooxda Kubada Cagta Fiortina ayaa ugu danbayntii la wareegtay Weeraryahanka Kooxda Juventus ee Amauri.

Xidigan Booska ka waaayay Kooxda kadhisan Del Alpa ayaa ku biiray Viola kadib markii ay labada Koox Heshiiyeen, Waxaana uu badal unoqon doonaa Gilardinho oo dhawaan kooxdaas kaga biiray Genoa.

*** Rug Cadaaga Kooxda Juventus  Luca Toni ayaa soo dhaweeyay hadii uu dib ugu laabanayo Kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Xidagan Qaranka Italy kula guulaystay Koobka Aduunka 2006-dii  isla markaana dhaliyay 38 gool oo Bundesliga  ah n 60 jykab ubtii udhaxaysay  2007 iyo 2010 ayaa boos la’aan ay ka haysataa Kooxda Hogaaminaysa Horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

“Hadii aan uciyaarayo Bayern Munich, waxaan ugu ciyaari lahaa si Bilaash ah,” ayuu usheegay Wargayska  Bild.

*** Wakiilka Ciyaaryahanka Kooxda Inter Milan Motta ayaa shaaca ka qaaday in xidigan ay ku dhowdahay in ay la wareegto Kooxda PSG.

Wakiilka Thiago Motta ayaa xaqiijiyay in uu safar ku aadan Paris kadib dalabka ka yimid Kooxda PSG  kaas oo ku aadan in ay doonayso Wiilka haysta dhalashada Italy laakiin asal ahaan Brazil kasoo jeeda, Waxaana laga yaabaa in xidigan uu Bishan aado Horyaalka  Ligue 1

“Inter ayaa nagu soo wargelisay anaga in naloo soo diray dalab muhiim ah oo nooga yimid PSG,” ayuu Alessandro Canovi oo ah Wakiilka xidigan usheegay  Sport Mediaset.

“Waan sugaynaa. kaliya kadib marka ay Inter inoo sheegto go’aankeeda”. ayuu sheegay Wakiilkan

***  Madaxweynaha Koxda Cagliari Massimo Cellino ayaa xaqiijiyay in Ciyaaryahan Radja Nainggolan uu ku biiri doono Juventus Dhamaadka Xili CIYAAREEDKAN.

Cellino ayaa sheegay in Xidigii hore Piacenza uu si shaki la’aan ah ugu biirayo Marwada Duqda  lacag gaaraysa £12.5million.

isagoo lahadlayay  Tuttosport: ayaa waxaa uu sheegay in hadii aysan waxba isbadalin kahor Bisha June xidigan uu xiran doono fanaanada Kooxda caanka ah ee Juve.

****  Gudoomiyaha dhanka Ciyaaraha Kooxda Novara Mauro Pederzoli ayaa sheegay in aysan kudhaweyn  saxiixa daafaca danbe ee Inter Milan Juan Jesus.

Juan ayaa haatan kasoo safray  Internacional waxaana loo malaynayaa in uu inta ka dhiman Xili Ciyaareedkan si amaah ah Koox loo siin doono.

“Runtii aad ayay u adagtahay soo qaadasha Juan oo kusoo biira Novara,” ayuu sheegay Pederzoli TMW. ” hada diyaar maku yahay Serie A? waxaan dhihi karaa haa, waa ciyaaryahan Muhiim ah”

****  Gudoomiyaha Kooxda AS Roma  Franco Baldini ayaa dareemaya in uu dhamaad marayo Heshiiska ay lasaxiixan lahaayeen Ciyaaryahankooda qadka dhexe Daniele de Rossi walina aan xal laga gaarin.

Baldini ayaa tilmaamay in wakiilka xidigan ay la yeesheen wadahadalo badan laakiin wali aan lagu guulaysan.

“waxaa ay noqotay Ciyaar la dheelayo, waan wadahadalnay oo aan wadahadalnay. laakiin wax hagaagay malahan., ma malaynayo in waqti kale oo dheeraad ah lasugi kari”ayuu hadalkiisa raaciyay.

**** Weeraryahanka halista ah ee Kooxda CSKA Moscow waa Seydou Doumbia ayaa soo dhaweeyay wararka isaga la xariirinaya Koox Inter Milan.

Doumbia oo haatan gudanaya waajibaadkiisa qaranka  Ivory Coast ee African Nations Cup ayaa sheegay in uu jecel yahay kooxaha waa weyn.

Waxaa uu sheegay in xiiseynta Inter ay tahay mid aad isaga muhiim ugu ah uuna jecel yahay in uu ka ciyaaro Horyaalka Italy, isagoo tusaaalo suoo qaatay  lavo gool oo uu udhaliyay Palermo

Wiilkan Dhaliyaha u ah CSKA Moscow ayaa waxaa sidoo kale xiiseynaya Kooxo waa weyn.

***  Naadiga AC Milan ayaa lasoo sheegayaa in ay Heshiis Shaqsi ahaaneed lagashay weeraryahanka Kooxda  Catania Maxi Lopez.

Sky Italia ayaa soo sheegaya in Lopez uu udhaqaaqi doono San Siro ilaa dhamaadka xili Ciyaareedkan waxaana ay dhiibaysaa Kooxda Milan lacag dhan  €500,000, hadii uu anfacana waxaa ay ku gadan kartaa lacag dhan €8.5m.

27-jirkaan ayaa saxiixi doona marka lala wareego Sedex Sano oo Heshiis ah, Waxaana Saxaafada Italy ay soo sheegaysaa in la wareegida xidigan ay hoos udhigayso in Tavez uu tago Kooxda.

***  Dhanka kalana Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in wali ay Kooxda AC Milan wadahadalo kula jirto Tavez

Adriano Galliani ayaa xaqiijiyay in ay wali wadahadalo kula jiraan Manchester City,  laakiin Rossoneri ayaan lasaxiixan doonin  labadaba Tevez weeraryahanka Catania Maxi Lopez Bishan  January.

“Milan iyo Manchester City  waxaa ay sii wadaan wadahadaladooda  maalmihii lasoo dhaafay oo ay kujirto maanta,” sidaas waxaa sheegay Qabiir dhanka kala iibsiga Ciyaaryahanada ah Gianluca Di Marzio oo lahadlayay Sky Sport Italia.

Sidoo kale Milkiilaha Kooxda Manchester City Al Mubarak  ayaa sheegay in aysan xaraashi doonin Ciyaaryahan Tavez ayna ku bixinayaan oo kaliya lacagta loogu talagalay.

PDF Download    Send article as PDF   

Readers Comments (0)




Local News

CRIME-SCENE_NET

Wiil uu dhalay wasiirka Maaliyada Kenya oo is dilay.

17.May.2012;-  Wiil uu dhalay wasiirka maaliyada  Njeru Githae ayaa saakay isku dilay xaafada Runda,ee magaalada Nairobi. Wiilkani uu dhalay ...
Eugene Wamalwa

Wasiirka cadaalada oo walaac ka muujiyay dhalinyarada badan ee kibandha la’aanta ah.

17.May.2012:-  Wasiirka cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Eugene  Wamalwa ayaa waxa uu sheegay in inka badan 4 milyan oo ...
uhuru

Uhuru oo dhawaan shaacinaya Xisbiga uu doorashada uga qayb galayo.

17.May.2012;-  Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro Axada soo socota xisbiga uu doonayo in ...
ACCIDENT-

Shil gaari oo dad ku dhinteen oo ka dhacay wadada Muranga ee Kenya

17.May.2012:-  ugu yaraan 15 qof  ayaa ku geeriyootay xalay shil gaari oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Kenolo ...
tb

Gabaabsi dhanka Talaalka Nooca looga hortago TB oo dalka ka jira .

17.May.2012:-  Dowlada ayaa cadaysay in dalka uu ka jiro gabaabsi dhanka talaalka BCG oo ah Talaalka Caruurta ee ...
shariif

Madaxwayne shariif oo ka warbixiyay Kulankii Golaha amaanka ee Newyork ka dhacay

16.May.2012:-  Madaxwaynaha dawlada Kmg ah ee Somaliya Shariif Sh Axmed ayaa ka warbixiyay Kulankii Shalay ay Golaha amaanka ...
mom

Booliiska Gobolka Xeebta oo baaraya weerar xalay lagu qaaday goob Club ah .

16.May.2012;-  Booliiska magaalada Mombasa ayaa baaritaano ku haya weerarkii Bambaano ee xalay lagu qaaday goob Club  ah oo ...
mukuruy

Dab ka kacay xaafada isku raran ah oo ku taala Nairobi

16.May.2012;-  In ka badan 100 qoys ayaa ku gurya beeshay dab ka kacay qayb ka mid ah xaafada ...
kakuma

Gaadiidleyda reer Kaakuma oo qiimaha shidaalka ka cabanaaya .

15.May.2012;-  Gawaarilayda Xarada Qaxootiga ee Kaakuma ayaa waxa ay cabasho ba'an ka muujiyeen sicirka shidaalka oo sare u ...
KENYA

Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lala beegsaday askar Kenyaan ah oo ku sugnayd xerada dhagaxlay.

15.May.2012:-  Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay sadex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax xoogan ...

Sports

pod

Podolski oo ka mid noqday ciyaaryahanada Arsenal (sawiro)

16.May.2012:-  laacibka Cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski ayaa sheegay inuu sugi la'yahay safashada kulamada kooxdiisa Cusub. Podolski ayaasi ...
van-persie490ai

Kooxda Juventus oo doonaysa Van Persie

15.May.2012:-  Naadiga ka dhisan Carriga Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa inay sii laba laabto dadaalka ay ku doonayso ...
hezard

Eden Hazard “waxaan kusoo wajahanahay Manchester”

15.May.2012;-  Ciyaaryahanka dhanka Garabka kaga ciyaara Kooxda Lille  Eden HazardAyaa si rasmi ah ugu celiyya inuu xili ciyaareedkaan ...
ibra

Ibrahimovic oo la sheegay inuu sii ahaanayo ciyaaryahan ka tirsan Kooxda AC Milan

15.May.2012;-  Wakiilka Weeraryahanka Kooxda AC Milan  Ibrahimovic ayaa sheegay in xidigaasi uu sii joogayo kooxda Reer Talyaani ee ...
benzema

Benzema oo Xaqiijiyay inuu sii joogayo Kooxda Real Madrid

15.May.2012;-  Weeraryahanka Kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa sheegay inuu siwayn ula dhacsanyahay hanaanka iyo awooda ciyaareed ee ...

HEESTA MAANTA

oyun oyna