Thomas Eisfeld oo maanta caafimaad u maraya kooxda Arsenal.
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- laacibka da’da yar ee kooxda Borussia Dortmund Thomas Eisfeld ayaa haatan ku sugan magaalada London isagoo lagu wado inuu caafimaad u maro kooxda Arsenal.
Thomas Eisfeld oo ah kubad qaabeeye ayaa waxa dhawaanahaanba siwayn u doonaayay macalinka Arsenal Wenger isagoo iminka ku guulaystay inuu keeno Kooxda ka dhisan Garoonka Emirates.
19jirkaan ayaa lagu wadaa in uu kooxda Gunners-ka us axiixo qandaraas dheer,isagoo caafimaad u maraya maanta oo ah maalinta dhimashada suuqa.
inkastoo aan si cad loo shaacin qarashaadka ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa hadana wararku waxa sheegayaan in Arsenal ay bixinayso warash gaaraya £420,000,islamarkaana ay labada dhinac ku heshiiyen.
Wenger ayaa dhawaan sheegay inuu soo xera galinaayo xidig qadka dhexe ka ciyaara isaga suura gal ka dhigay inuu sii dheeraato maqnaanshiyaha Wilshere