Tavez oo inta kaharsan Xili Ciyaareedkan Sii Joogaya Man City iyo AC Milan oo Doonistiisii ka baxday
Published on January 28, 2012 by Idaajaa · No Comments
28.January.2012:- Ciyaaryahan Carlos Tevez ayaa sii joogaya Manchester City ilaa inta laga gaarayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan xili kubad uu ciyaaro ay mar hore ugu danbaysay
Weeraryahankan 27-jirka ah ee qaranka Argentine ayaa lala xariirinayay Kooxaha Inter Milan, AC Milan iyo Paris St Germain laakiin City ayaa weydiisatay lacag gaaraysa 25 million pounds ($39.25 million).
Hadda Waxaa Bisha Januaray oo ku dhamaanaysa 31 maalin ka harsan maalmo yar. waxaana Wakiilka xidigan uu sheegay in Sedexda Koox ee xidigan doonaya aysan jirin wax heshiis lagaaray Man City.
“Carlos waxaa uu sii joogayaa Man City ila axili ciyaareedkan. City waa jeclaan laheyd in ay iska fasaxdo laakiin kaliya waxaa ay ku fasaxaysaa qiimihiisa.”
Tevez ayaa ciyaaray kulankii Premier League ay guusha kaga gaareen Kooxda Birmingham City Bishii Sept.21-keedii.
Dhanka kale Kooxda AC milan ayaa sheegtay in ay ka baxday doonisteedii laacibkan weerarka ah ee qaranka Argentine.
Kooxda ayaa la wareegtay Lopez oo ay kasoo qaateen Catania, Waxaana Andariano Galiani uu sheegay in aysan ubaahnayn Tavez