Published on January 17, 2012 by Idaajaa · No Comments
17.January.2012:- Tababaraha ciyaaryanka Chris Samba Ninka la yiraahdo Steve Kean ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda ay diiday dalab uu xidigan ku doonayay in uu kaga tago Blackburn.
Tababaraha Rovers Kean ayaa Wariyaasha usheegay Isniintii in kooxda aysan xiligan qorshaha ugu jirin in ay iska iibiso.
Hadalkan ayaa waxaa uu kaga jawaabayay hadal kasoo baxay Ciyaaryahan Samba kaas oo ahaa in uu doonayo in u isaga tago Shan sano kadib Garoonka Ewood Park.
Samba ayaa yiri ” waxaan maanta ugudbiyay Dalab Maamulka Kooxda Blackburn Rovers. waxaan shaqsi ahaan ugu sheegay malkiilayaasha, tababaraha iyo gudiga Kooxda in aan doonayo in aan kooxda isaga tago xiliga Suuqa uu furan yahay.
“Shan sano oo aan joogay Blackburn Rovers waxaan had iyo jeer siin jiray dadaal 100% ah ciyaar kasta oo aan ciyaarayay . waxaan haystaa fursado kale.
“Waxaan go’aansaday in hada la joogo waqtigii ugu saxsanaa ee aan ku raadin lahaa tartan kale waxaan weydiistay kooxda in ay xushmeeyaan go’aankeyga iina ogolaadaan in aan Kooxda ka tago.