Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.Janaury.2012;- Ciyaar Jermaine Pennant ayaa xaqiijiyay in uusan qorshaynayn sidii uu uga hayaami lahaa kooxdiisa Stoke.
inakstoo uu ka cabanaayo xidigaan boos la aanta maalmahaan kooxda ku haysada ayuu hada Pennant waxa uu si cad u xaqiijiyay inuusan meelna uga socon naadigiis.
Pennant oo dhawaanahaan lala xiriirinaayay inuu isaga socdo kooxda Stoke ayaa wararkaasi kuwa been ah ku tilmaamay isaga oo xusay inuu ku dadaalaayo sidii uu boos joogto ah uga heli lahaa kooxda.
“anigu ma igu jirto wax dagdag ah oo aan kooxda uga tagaayo,meelna ugama socdo kooxdayda,ma waydisanaayo in aan baxo kooxda,kooxduna ima aysan siin wax calaamad ah oo aan ku baxo”
“sida dhaqsiyaha badan ee uu suuqa u xirmay hadana waxaan rabaa inaan ka jawaabo su aalaha ku saabsan wax walbaa oo dheeraad ah,qof walbaana waxa uu ogaanayaa inaan anigu halkaan sii joogaayo”
laacibkaan oo lawaydiiyay sida uu uga xumaaday Kursiga Kaydka ee uu dhawaanahaan dariska layahay ayaa waxa uu sheegay in taasi aysan kuq asbayn inuu kooxda isaga tago.
“waxaasi waa arin ciyaaryahanada ku dhaca,qofku waa uu ka xumaanaa taas,laakiin maahan wax xun, ciyaaryahanku waxa uu jecelyahay inuu ciyaaro kulan kastaana uu dhamaysto 90 daqiiqo,taasi macquul maahan”
‘qof walbaa waa uu ogyahay waxa aan galo,sidaas dardeed waxaan qaadanayaa kana faaidaysanayaa waqtikayga”