Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Dalal gaaraya 25-wadan oo ka mid ah dallada midowga yurub ee ka gooban 27-ka wadan ayaa isla gartay in ay saxiixaan heshiis dhinaca cashuuraadka ah oo looga hortagaayo qalalaasaha ka dhasha dhinaca deymaha ee ay wadamada qaar ka cabanayaan.
Heshiiskaasi waxaa uu qorayay in miisaaniyadaha lagu xakameeyo qaraaro cusub oo wax ka qaban kara dhiabatada daymaha,waxaana heshiiskaasi saxiixisa diiday xukuumada Czech oo raacday xukuumada Biriten.
Madaxweynaha dallada midowga yurub ayaa sheegay in waajib ay tahay in wadamada midowga yurub ay qaataan go’aankaaasi oo uu ku tilmaamay mid lagu xasilinaayo dhibaatooyinka dhaqaalaha ee dalalka midowga yurub.
waxa uuna amsuulkaan ugu sareeya Midowga YUrub ku baaqay in la keeno go’aan istiraatiijiyadeed oo sare loogu qaadayo dhaqaalaha isla markaara la dhimo shaqa la’aanta.