Mareeykanka oo kenya ugu baaqay in aysan dib u celin qaxootiga soomaalida ah.
Published on January 27, 2012 by Idaajaa · No Comments
27.January.2012:- Dowlada mareeykanka ayaa xukuumada dalka kenya ugu baaqday in ay sii wado daryeelkeeda ay u fidineyso qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab.
Ku xigeenka arimaha bulshada qaxootiga iyo socdaalka ee dowlada mareykanka Mr David Robinson ayaa ku booriyay dowlada dalkani Kenya in aysan qaxootiga soomaalida ah dib ugu celin dalkooda.
Mr Robinson ayaa qiray dhibaatooyinka iyo xiisada dhanka amaanka ee qaxootiga tirada badan balse waxaa uu farta ku fiiqay in aan si qasab ah loogu celin dalkooda.
kuxigeenka xoghayaha arimaha bulshada iyo qaxootiga ee dalka mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay in nidaamka beesha caalamku uu yahay in ay qaxootiga iskood u laabtaan,islamarkaana aan lagu qasbi karin dib u laabasho.
hadalka dowlada mareykanka ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor uu soo jeediyay xoghayihii joogtada ee wazaarada amniga gudaha Fransis kimeemiya in qaar ka mid ah qaxootiga soomaalida ah lagu celiyo goobaha laga saaray xarakada shabaab laguna quudiya.