Manchester City oo dalab ku aadan David Pizarro u gudbisay Roma.
Published on January 31, 2012 by Idaajaa · No Comments
31.January.2012:- Kooxda Manchester City ayaa doonaysa in maanta ay soo afjarto dalab ay ku doonayso saxiixa kubad qaabeeyaha kooxda Roma ee David Pizarro.
City ayaa iminka siwayn ugu dadaalaysa in wada hadalada ay soo dhamaadaan ka hor inta uusan xirmin suuqa,iyadoo haatan ay siwayn u dardar galisay hanaanka socod ee wada xaajoodka xidigaan ku aadan.
David Pizarro ayaa ka mid ah xidigaha kooxda koowaad ee Roma isagoo siwayn uga dhex muuqda Roma dhamaan kulamii xili ciyaareedkaan,
macalinka Kooxda Man City Mancini oo horay mar macalin ugu ahaa xidigaan xilgii Inter ayaa wacad ku maray saxiixa laacibkaan.
Suuqa ayaa ah mid sii idlaanayso fursadiida iyadoo Man City ay isku dayayso inay ka faa idaysato saacadaha haray,
Man City ayaa horay u sheegtay inaysan doonayn ciyaaryahan cusub laakiin haatan waxa ay dareemaysaa boos banaan oo ah kii uu ka tagay Yoya Toure oo ka qayb galaaya Tartanka Qaramada Afrika.