Kevin-Prince Boateng oo Ku Biiray Mowjadaha Dhaawaca ah ee AC Milan
Published on January 18, 2012 by Idaajaa · No Comments
18.January.2012:- Waxaa sii badanaya Ciyaaryahanada qadka dhexe ee dhaawacmaya Kooxda kubada Cagta AC Milan kadib markii loo sheegay in Ciyaaryahan Kevin-Prince Boateng uu mudo bil ah garoomada ka maqnaanayo.
Kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay in Boateng uu dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray intii lagu guda jiray ciyaartii ay Inter Milan ku badisay Gool iyo waxba.
Xidigan ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa mudo Afar Todobaad ah sida Kooxda ay shaacisay.
Sidoo kale Isla Bayaanka ay Kooxda soo saartay ayaa lagu sheegay in isagana uu dhaawac yahay goolhaye Christian Abbiati waxaana laga yaabaa in garoomada uu ka maqnaado ilaa 7 maalin.
Dhaawaca Boateng ayaa kusoo aadaysa xili aad uxun oo ay Kooxda ka maqan yihiin Alberto Aquilani iyo Gennaro Gattuso oo Afar bil maqan halka Mathieu Flamini laga yaabo in labo bil oo kale maqnaado.
16.February.2012:- Xoghayaha guud ee ururka COTU Francis Atwoli ayaa canbaareeyay siyaasiyiinta wada ololaha tartanka madaxwaynanimada ee waqtigiisii laga ...
06.February.2012:- Weeraryahanka Xulka Qaranka Netherlands iyo Kooxda Reer Germany ee Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa sheegay inuusan ka shalaynaynin ka ...