Gudiga doorashada oo sheegay in aysan xiligan ka hadlayn dooda ku saabsan in Uhuru iyo Ruto ay madaxwaynanimada u tartamayaan iyo in kale .
Published on January 27, 2012 by Idaajaa · No Comments
27.January.2012:- Gudiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha ayaa waxa ay sheegeen in ay sugayaan ansixinta sharciga qodobka dastuurka ee ka hadlaya hogaanka ka hor inta aysan go,aan ka gaarin in William Ruto iyo Uhuru Kenyatta ay u tartamayaan jagada madaxwaynanimada iyo in kale ka dib markii ay maxkamada ICC ay ansixisay dacwadahooda.
Gudoomiyaha gudiga doorashada iyo xuduudaha oo ay saxafiyiinta wax ka waydiyeen waxa ay gudiga ka yeelayaan mr Ruto iyo mr Kenyatta hamigooda ku aadan in ay u tartamaan madaxwaynanimada ayaa waxa uu ka gaabsaday mr Xasan in arintaasi uu jawaab cad ka bixiyo.
Mr Xassan ayaa sheegay in arintani marka waqtigeedi la gaaro ay go,aan ka gaari doonaan balse hada aysan doonayn in ay dooda arintaasi ku lug yeeshaan.
Masuulkaan ayaa sheegay in hada aysan wali gaarin howsha ku saabsan cida u qalanta in ay tartanto iyo cida kale isla markaana arintaasi ay samayn doonaan marka la gaaro howsha soo xulashada musharixiinta doorashada ka qayb galaya.
Gudiga dhaqan galinta dastuurka ayaa iyaga sheegay in Uhuru iyo Ruto ay wali u tartami karaan jagada madaxwaynanimada ilaa laga hagaajinayo isla markaana laga ansixinayo hanaanka iyo qawaaniinta ku aadan qodobka dastuurka ee ka hadlaya waxa looga baahanyahay qofka hogaanka qabanaya.
Wasiirka cadaalada iyo arimaha Dastuurka Mutula Kilonzo ayaa dhankiisa si cad u sheegay in Uhuru iyo Ruto aysan u tartami karin xafiis siyaasadeed maadama ay wajahayaan maxkamada ICC loona haysto danbiyo bina aadaninimo.
16.February.2012:- Xoghayaha guud ee ururka COTU Francis Atwoli ayaa canbaareeyay siyaasiyiinta wada ololaha tartanka madaxwaynanimada ee waqtigiisii laga ...
06.February.2012:- Weeraryahanka Xulka Qaranka Netherlands iyo Kooxda Reer Germany ee Schalke Klaas-Jan Huntelaar ayaa sheegay inuusan ka shalaynaynin ka ...